Wararka24: Gurmadka ciidamada ayaa si weyn u taageeraya furimaha ka socda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Jicibow, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay ku dagaalayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Gurmadka ciidamada waxaa ka helaya deegaanada hoostaga Degmooyinka Buuloburde iyo Halgan, si loo xoojiyo gulufka ballaaran ee lagu qabanayo deegaanka Jicibow, oo ku yaal bariga Webiga Shabelle.
Jimcihii hore, labada ciidan (Ciidanka Xoogga Dalka iyo Difaaca Shacabka) ayaa dagaal culus ku qaaday Al Shabaab inta u dhaxeysa dhulka hawdka ee u dhexeeya deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow. Sabtidii, dagaalo goos-goos ah ayaa laga soo sheegay aagaggaasi, iyadoo gurmadka ciidamada si weyn u taageerayo hawlgalada.
Habeen hore, diyaarado aan duuliye lahayn ayaa duqeeyay difaacyada ay Al Shabaab ka difaacayaan deegaanka Jicibow, oo ku yaal qarka webiga. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Difaaca Shacabka ayaa laba jiho kaga sii siqaya Jicibow, iyadoo diiradda saaraya sidii looga saari lahaa Al Shabaab.
Gurmadka ciidamada ayaa gaaraya jiidda hore, halkaas oo ciidamadu ay ku sugan yihiin dhanka hawdka ee Beera-yabaal iyo dhinaca kale ee duleedka Degmada Halgan. Shabaabka ayaa sameynaya iska caabin ay ku doonayaan inay ku difaacdaan deegaankaasi, iyadoo Jicibow uu yahay furinta ugu weyn ee dagaalka ka soconaya bariga gobolka.
Weerarka ay ciidamadu ku hayaan Jicibow ayaa laga dareemay deegaanada ka fogfog, iyadoo Saraakiisha Ciidamada ay halkaasi gaynayaan ciidamo fara-badan.
Gurmadka ciidamada waxaa ka mid ah taageerada dhallinyarada deegaanka,
dhallinyarada deegaanka oo shalay raashiin iyo deeq gaarsiiyay ciidamada, iyagoo u muujinaya garab istaag iyo taageero bulsho oo dhan.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, oo hoggaaminaya hawlgalka, ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ku sugan jiidda hore, ayaa isna sheegay in hawlgalkoodu uu geba-gabo marayo.
Gurmadka ciidamada waxaa ka mid ah hub iyo qalab cusub oo la siiyay ciidamada, iyadoo la ogaaday inay muhiim u yihiin sidii looga hortagi lahaa iska caabinta Al Shabaab.
148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas…
dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag…
LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
Share Share