
MUQDISHO — Ciidamada booliska ayaa shalay galabnimo ka helay xaafada Taleex ee magaalada muqdisho meydka wiil dhalinyaro ah oo laba meelood lagu dhuftay xabado, kaasoo ku dhowaa Masraxa Qaranka ee hore ee ku yaal degmada Hodan.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in meydka la arkay isagoo ku jira qeybta dambe ee baabuur, waxaana laba xabo lagu dhuftay dhabarka hoose. Qofka la dilay waxaa la sheegay inuu ahaa bajaajle ka hawlgala magaalada muqdisho.
Laamaha amniga ayaa markiiba u gudbay goobta dhacdada ka dhacday, waxayna booliska bilaabeen baaritaan ballaaran oo ku saabsan dilka.
Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dhowr dil oo kale. Dilalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dadka caasimaddu ku mashquul yihiin dabaal degida maalmaha ciidda.
Ciidamada amniga ayaa kor u qaaday heeganka amni ee magaalada intii lagu jiray maalmaha ciidda si ay u hubiyaan badbaadada dadka rayidka ah.
Baaritaanka dhacdada ayaa weli socda, halka booliska ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa cid ka mas’uul ah dilka ninkan dhallinyarada ahaa.