Wararka24: Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid, ayaa ka digay in khatar la geliyo nolosha Israeliyiinta lagu haysto gudaha Marinka Gaza. Isaga oo ka hadlaya idaacad maxali ah, ayaa uu ku dhiirrigeliyay in Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay tagto Magaalada Doha, si ay Xamaas ula gasho heshiis lagu soo wada sii deynayo dhammaan maxaabiista harsan.

Netanyahu, waxaan leeyahay aad Doha oo qof walbana gurigiisa ku soo celi,” ayuu yiri Yair Lapid. “Ku laabo Doha oo hadda soo celi.”
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel ayaa sidoo kale xusay in waqtigu uu dhammaanayo,

Isla markaana qaabka hadda wax lagu wado ay khatar ku tahay nolosha maxaabiista iyo amniga Israel.
Yair Lapid ayaa xukuumadda ku adkeeyay inaanay ka bixin heshiiska, isla markaana ay hore ugu sii socoto, sidii maxaabiista iyagoo badqaba ay guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen. Wareysi uu siiyay Raadiyaha Israel ee 103 FM, ayaa wuxuu ku sheegay in uu aaminsan yahay in halmar la soo sii daayo maxaabiista, bedelkii marba qayb la soo deyn lahaa.
“Waxaan tan sheegayay muddo billo ah. Waxaan u baahanahay inaan dhamayno tan, waana in la helo hal heshiis oo qof walba lagu soo celinayo,” ayuu yiri Yair Lapid.
Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan in Israel ay ku xadgudubtay heshiiska xabad joojinta, waxaa gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo lagu dhalleeceynayo dowladda uu Netanyahu madaxda ka yahay.
Shacabka dibadbaxyada wada ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeynaya inaysan daacad ka ahayn hirgelinta heshiiska. Warbaahinta Israel ee bidixda ayaa ku warameysa in Xamaas ay tallaabada hakinta sii deynta maxaabiista u qaadday, waa inaysan arkin in xukuumadda ay dhab ka tahay gelitaanka wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta.
Xamaas ayaa dhowr jeer waxay Netanyahu ku eedeysay in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.
Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qoraneyso in ka badan 20,000 oo askari oo cusub, kuwaas oo lagu kordhin doono qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida. Ku dhawaaqista waxaa sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo Isniintii,…
FBI Mareykanka oo la sheegay inay la kulmeen weerar internet

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Hay’adda Baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) iyo Waaxda Beeraha ee Mareykanka ayaa la sheegay inay la kulmeen weeraro internet, xilli dalkaas uu wajahayo dhacdooyin isku xiga oo la xiriira jabsiga iyo go’itaanka nidaamyada dowladda. Warbaahinta Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay…
Mid ka mid ah wasiradii uu magacabay Liiban Shuluq oo iska casilay xilka

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Maxamed Yuusuf Cali, oo ka mid ahaa xubnihii golaha wasiirrada cusub ee dowlad goboledka Galmudug, ayaa ku dhawaqay inuu iska casilay xilkiisa, maalin kadib markii la magacaabay. Maxamed Yuusuf ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Galmudug. Wuxuu…












