Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi dowladeed oo Soomaaliyeed ayaa lagu waayay Kosovo, kadib markii ay ka tageen gurigii lagu martigeliyay.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 13, 2026, 5:19 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi dowladeed oo Soomaaliyeed oo booqasho ku joogay dalka Kosovo ayaa la la’yahay, kadib markii ay ka tageen gurigii lagu martigeliyay iyagoo aan u sheegin masuuliyiintii qaabilsanaa booqashada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta ee Kosovo ayaa warqad diblomaasiyadeed u dirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo ka codsanaysa inay ka caawiso helitaanka meesha ay ku sugan yihiin.

Wafdiga ayaa Kosovo gaaray 25-kii Oktoobar, waxaana hoggaaminayay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Siciid Maxamed Maxamuud, iyo Ku xigeenka Wasiirka Dekedaha, Fartuun Cabdulqaadir Faarax.

Sida lagu sheegay warqadda, sagaalka qof ayaa ka baxay guri ku yaallay tuulada Dua ee duleedka caasimadda Pristina, fiidnimadii 27-kii Oktoobar, qiyaastii 7:10 habeennimo.

Maqnaanshahooda ayaa la ogaaday maalintii xigtay, xilli masuuliyiinta Kosovo ay diyaarinayeen gaariga u qaadi lahaa garoonka diyaaradaha ee Pristina, si ay ugu laabtaan dalka.

Baaritaanno hordhac ah ayaa muujiyay in ay si ikhtiyaari ah uga tageen, ayna suurtagal tahay inay u dhaqaaqeen meel kale oo gudaha Kosovo ah. Ma aysan gaarin qeybta martida sharafta ee garoonka loogu diyaariyay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kosovo ayaa sheegtay inay isku dayday inay xog ka hesho xubnaha sare ee wafdiga, balse aysan wax natiijo ah ka helin.

Labada masuul ee wafdiga hoggaaminayay ayaa Kosovo ka dhoofay 28-kii Oktoobar.

Dowladda Kosovo ayaa muujisay walaac ay ka qabto xaaladda iyo badqabka sagaalka qof, waxayna ku baaqday in hay’adaha Soomaaliya ay mudnaan siiyaan arrinta, isla markaana si degdeg ah u wadaagaan xog kasta oo muhiim ah.

Magacyada sagaalka qof iyo ujeeddada booqashada lama shaacin.

Somaliland ayaa dhankeeda cambaareysay dhacdadan, waxayna ku eedeysay in safarrada rasmiga ah ee dowladda federaalka loo adeegsado tahriib, iyadoo tilmaantay dhacdooyin la mid ah oo hore uga dhacay Geneva, New York iyo Lyon.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

32 minutes ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

46 minutes ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

1 hour ago
Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

1 hour ago
QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

7 hours ago
Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

8 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

8 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

9 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.