Wararka24: Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay Ruushka ka heshay diyaaradaha dagaalka ee Su-35, iyadoo sidoo kale la filayo in loo keena nidaamka difaaca cirka ee S-400. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee gobolka Tigray iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Arbacadii sheegay in dalkiisu helay diyaaradaha dagaalka, isaga oo ku tilmaamay tallaabadaas mid kor u qaadaysa awoodda ciidamada Itoobiya.
Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay la wareegtay 12-kii diyaaradood ee ugu horreeyay, halka shirkadda Ruushka ee Rosoboronexport ay wakaaladda Reuters u sheegtay in dufcaddii ugu horreysay ee la gaarsiiyay ciidamada cirka Itoobiya ay ka koobnayd laba diyaaradood oo Su-35 ah.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska ay la galeen Moscow uu dhigayo in dalkiisa la siiyo afar cutub oo ka tirsan nidaamka difaaca cirka ee S-400. Hase yeeshee, lama shaacin qiimaha heshiiska, waqtiga la keenayo nidaamyada difaaca ama goobaha la geyn doono.
Diyaaradaha Su-35 ayaa loo adeegsadaa hawlgallo kala duwan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka diyaaradaha kale iyo weerarrada bartilmaameedyada dhulka iyo badda. Nidaamka S-400 ayaa isaguna loogu talagalay inuu ku ogaado kuna beegsado bartilmaameedyada cirka, isaga oo adeegsanaya gantaallo laga rido dhulka.
Abiy ayaa ku sugan magaalada Moscow, halkaas oo uu ka socdo shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika. Labada dal ayaa hore u yeeshay iskaashi militari oo ay ku jiraan casriyeynta ciidamada, tababarrada iyo wareejinta tiknoolajiyadda.
Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea
Helitaanka hubkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Addis Ababa ayaa Asmara ku eedeysay inay taageerto xoogagga Tigray, isla markaana ciidamo ka soo gudbisay xadka, eedeymahaas oo Eritrea ay beenisay.
Itoobiya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe xoogga saartay helitaanka marin badeed, iyadoo arrintaas ku tilmaantay mid muhiim u ah dhaqaalaha iyo amniga dalka. Eritrea ayaa dhankeeda walaac ka muujisay hadallada Itoobiya ee ku saabsan marin-badeedka, gaar ahaan dekedda Casab ee ku taalla Badda Cas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay fududeyso wadahadal dhex mara hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea, haddii labada dhinac ay muujiyaan rabitaan.
Dagaalka Tigray oo sii Xoogeystay
Dhanka kale, dagaallo cusub ayaa dib uga qarxay gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogagga la safan ay dib ula wareegeen Mekelle iyo deegaanno kale, sida lagu sheegay wararka laga helayo gobolka.
Dowladda Itoobiya ayaa gobolka u magacowday maamul ku-meel-gaar ah, iyadoo u dejisay qorshe lix bilood ah oo lagu soo celinayo adeegyada dadweynaha, lagu dayactirayo kaabayaasha burburay, laguna fududeynayo soo laabashada dadka barakacay.
Si kastaba, warbixinno amni ayaa tilmaamaya in iska horimaadyo ay weli ka socdaan qaybo ka mid ah gobolka. Dagaalkii Tigray ee 2020 ilaa 2022 ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana lagu soo afjaray heshiis nabadeed oo lagu saxiixay Pretoria bishii Nofeembar 2022.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in dagaallada cusub ay dib u soo celin karaan barakac ballaaran iyo dhibaatooyin bani’aadannimo. Waxay dhinacyada ugu baaqeen inay wadahadal iyo tallaabooyin kalsooni-dhis ah ku xalliyaan khilaafaadka jira.









