Wararka: Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay in xal lagu gaaro wadahadal uu yahay jidka lagu soo afjari karo khilaafka u dhexeeya Tehran iyo Washington, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diiday soo-jeedin ku saabsan dib u furidda Marinka Hormuz.
Trump ayaa Sabtidii sheegay in uusan aqbalin qorshaha Iran, isagoo ku tilmaamay shuruudaha Tehran kuwo aan la fulin karin. Iran ayaa soo jeedisay in marinka dib loo furo toddoba maalmood gudahood haddii Mareykanku qaado tallaabooyinka ay Tehran ku xirtay heshiiska.

Araghchi ayaa sheegay in shuruudaha dib loogu furayo marinka ay ku saleysan yihiin heshiis hore oo labada dhinac ay ka wada hadleen. Wuxuu sheegay in Tehran ay sugayso jawaab kama dambays ah oo ay soo gudbiyaan dhinacyada dhexdhexaadinaya, ka hor inta aysan qaadan go’aan rasmi ah.
Madaxweynaha Iran oo ka hadlay xaalada Tehran iyo Washington
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa isna sheegay in kalsooni-darrada ka dhalatay dagaalka ay tahay caqabad weyn oo hortaagan wada-hadallada. Wareysi uu siiyay CBS News ayuu ku sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso hirgelinta heshiiskii hore si heer-heer ah, haddii Mareykanku muujiyo inuu doonayo xal siyaasadeed.

Pezeshkian ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay ogolaato in kormeerayaal nukliyeer oo Qaramada Midoobay ah ay dalka galaan, taas oo qayb ka noqon karta wada-hadallada mustaqbalka. Wuxuu sheegay in heshiis kasta uu u baahan yahay in labada dhinac ay ixtiraamaan ballanqaadyada ay galaan.
Marinka Hormuz ayaa ah marin muhiim u ah ganacsiga tamarta caalamka, xiritaankiisa aya saameyn ku yeeshay isu-socodka maraakiibta iyo suuqyada shidaalka. Reuters ayaa hore u sheegtay in Iran ay soo jeedisay dib u furidda marinka haddii Mareykanku yareeyo cadaadiska militari oo uu qaado xannibaadda dekedaha Iran.
Cumaan oo ku baaqday is-xakameyn iyo wadahadalka
Dhanka kale, Cumaan ayaa ku baaqday in dhinacyadu sii wadaan is-xakameynta iyo wadahadalka, iyadoo Muscat ay door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayso xiriirka Washington iyo Tehran. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Badr Albusaidi ayaa sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ay muhiim u yihiin ilaalinta isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka istiraatiijiga ah.

Pezeshkian ayaa sidoo kale sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu caafimaad qabo, isagoo xusay inuu laba jeer la kulmay. Hadalladan ayaa yimid iyadoo hoggaamiyaha Iran aan muddo lagu arag fagaaraha, kadib weerarradii hore ee dalka.







