Wararka24: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta laga filayo roobabka El Niño.
Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha looga hortagayo fatahaadaha, yareynta khataraha ka dhalan kara roobabka culus iyo sidii loo ilaalin lahaa nolosha iyo hantida dadka ku nool deegaannada u nugul daadadka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo Baydhabo u jooga howl shaqo, ayaa kulanka lagu soo bandhigay xog ku saabsan saadaasha roobabka iyo khataraha fatahaadaha ee laga filayo qaybo ka mid ah dalka.
Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda soo bandhigay qorshayaasha ay diyaariyeen iyo tallaabooyinka looga gol leeyahay in lagu yareeyo saameynta fatahaadaha. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay in tallaabooyinka ka hortagga la qaado ka hor inta aysan roobabka culus isu beddelin xaalad bani’aadamnimo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, SoDMA, maamullada degmooyinka iyo hay’adaha samafalka, si agabka iyo adeegyada gurmadka loo sii diyaariyo meelaha ay fatahaaduhu saameyn karaan.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay u sameeyay guddi heer wasiir ah oo qaabilsan diyaar-garowga iyo ka jawaabidda saameynta El Niño. Guddiga waxaa loo xil saaray wacyigelinta bulshada, nidaamyada digniinta hore, qiimeynta goobaha halista ah iyo isku-duwidda gurmadka degdegga ah.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli SoDMA ay kordhisay diyaar-garowga la xiriira saadaasha roobabka culus iyo khatarta fatahaadaha, gaar ahaan deegaannada u dhow wabiyada iyo meelaha horey ugu nuglaa daadadka. Guddoomiyaha SoDMA ayaa Baydhabo gaaray 21-kii Sebtembar isagoo hoggaaminaya wafdi shaqo.
Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in qorshayaasha hadda socda ay diiradda saarayaan yareynta khasaaraha, ilaalinta bulshada iyo in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka ay saameyn karaan roobabka iyo fatahaaduhu.







