Wararka24: Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed, ayaa shacabka uga digay inay u dhowaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu qorsheynayo howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ciidamada iyo kooxdaasi ku sugan yihiin. Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay qeyb ka tahay qorshayaasha amni ee maamulka.
“Duqeymo ayaan la beegsanaynaa kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed. Shacabka waxaan leenahay haka fogaadaan goobaha ay kooxahaasi ku sugan yihiin,” ayuu yiri Isaaq Maxamed.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, gaar ahaan goobaha ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo meelaha ay ku sugan yihiin dhinacyada uu ku tilmaamay inay dowladda ka soo horjeedaan.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Koonfur Galbeed ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa maamulka cusub ee Koonfur Galbeed oo taageero ka helaya dowladda federaalka iyo dhinacyada taageersan Cabdicasiis Laftagareen.
Khilaafka siyaasadeed ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli Al-Shabaab ay weli ka howlgasho qaybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ay wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda.
Isaaq Maxamed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab. Wuxuu mar kale shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha loo qorsheeyay inay noqdaan meelaha ay ka dhacaan duqeymaha iyo howlgallada amni.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin goobaha gaarka ah ee la qorsheeyay in howlgalada ama duqeymaha laga fuliyo, iyo waqtiga ay tallaabooyinkaasi si rasmi ah u bilaabanayaan.







