Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Afhayeenka Laftagareen, Ugaas Xasan oo ka hadlay xaaladda Baydhaba

Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhaba.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 7, 2026, 5:25 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Afhayeenka Laftagareen, Ugaas Xasan oo ka hadlay xaaladda Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhaba.

Ugaas Xasan oo ku sugan bannaanka Baydhaba ayaa si gaar ah uga hadlay diyaaradaha dagaalka iyo gaadiidka ciidan ee uu sheegay in loo adeegsanayo deegaannada Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in isticmaalka diyaaradaha iyo qalabka shisheeye uusan wax ka beddeli karin waxa uu ku tilmaamay xaaladda ka taagan maamulka.

Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aanka ku saabsan mustaqbalka Koonfur Galbeed uu leeyahay shacabka deegaanka, isagoo sheegay in aan dhinac kale loo oggolaan karin inuu kaligiis go’aan kama dambeys ah ka gaaro masiirka maamulka.

“Dalkeenna iyo deegaannadeenna Koonfur Galbeed waa hanti ay masiirkooda ka talinayaan dadka reer Koonfur Galbeed. Diyaarado iyo gaadiid shisheeye waad keensan kartaan, laakiin go’aanka iyo masiirka deegaannada Koonfur Galbeed wuxuu gacanta ugu jiraa dadkeena,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.

Hadalka afhayeenka ayaa sidoo kale muujiyay mowqifka garabka Laftagareen ee ku aaddan joogitaanka ciidamo iyo qalab ciidan oo dibadda laga keenay. Wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu saleeyo rabitaanka iyo go’aanka shacabka deegaanka.

Ugaas Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka ku nool Koonfur Galbeed inay muujiyaan feejignaan iyo isku-duubni, xilli ay jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo sii kordhaya. Wuxuu sheegay in midnimada shacabka ay muhiim u tahay marxaladda hadda taagan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Baydhaba iyo deegaanada ku dhow ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa dhinacyo ku loollamaya maamulka Koonfur Galbeed. Arrimaha la isku hayo waxaa ka mid ah maamulka magaalada, amniga iyo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dowlad-goboleedka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.