Wararka24: Nin lagu magacaabo Macalimeey ayaa lagu xiray degmada Doolow ee gobolka Gedo, kadib markii looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay qaraxii 3-dii Sebtembar ka dhacay guriga taliye hore oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Shub.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in Macalimeey uu ahaa qof aad ugu dhow Jeneraal Shub, isla markaana uu maalmo ka hor qaraxa ku sugnaa Muqdisho. Sida xogaha hordhaca ah lagu sheegay, ninkan ayaa kadib qaraxa dib ugu laabtay Doolow, halkaas oo uu ku booqday Jeneraal Shub oo dhaawac soo gaaray.

Saraakiisha gacanta ku haysa eedeysanaha ayaa sheegay in loo xiray sababo la xiriira tuhun, iyadoo baaritaanno lagu sameynayo xiriirkiisa iyo dhaqdhaqaaqyadii ka horreeyay iyo kadib dhacdada. Taleefannadiisa ayaa sidoo kale gacanta lagu hayaa si loo baaro xogta iyo isgaarsiintii ugu dambeysay ee la xiriirta qaraxa.
Qaraxii lagu beegsaday guriga Jeneraal Shub ayaa dhaliyay walaac iyo hadal-heyn ballaaran, xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kacsan tahay. Faahfaahinta cidda ka dambeysay qaraxa iyo ujeeddada weerarka ayaa weli ku jirta baaritaan.
Dhanka kale, qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga nooca F-16 inay ku lug lahaayeen weerarka. Eedeymahaas ayaa lagu soo bandhigay bayaan ay xildhibaanno ku yeesheen magaalada Nairobi, balse ilaa hadda lama soo bandhigin caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaysa in diyaaradahaasi ay ka dambeeyeen qaraxa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii sheegtay inay si dhow ula socoto dhacdada Doolow, iyadoo caddeysay in aysan wax lug ah ku lahayn qaraxa. Dowladda ayaa sheegtay in xogaha hordhaca ah ee hay’adaha amniga ay tilmaamayaan in qaraxu ka dhashay waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guri.
Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya dhacdada, si loo ogaado sababta qaraxa, cidda ku lug leh iyo duruufaha ku xeeran weerarka.







