• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xogta Saddex weerar oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xogta Saddex weerar oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar
Share

Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa saddex weerar oo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo sababay walaac amni xilli magaalada ay isku diyaarinayso doorashooyinka soo socda ee Hirshabelle.

Qaraxa ugu horreeyay ayaa ka dhacay xaafadda Horseed, gaar ahaan aagga Laanta Isnaay, waxaana lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Haaroole. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi.

Weerarka labaad ayaa ahaa bam-gacmeed lagu weeraray xero ay degan yihiin ciidamada Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ku taalla agagaarka saldhigga magaalada Jowhar. Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa rasaas furay kadib weerarka, hase yeeshee weli lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadaasi.

Dhanka kale, weerarka saddexaad ayaa lagu bartilmaameedsaday askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa bar-koontarool ku yaalla magaalada. Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay, halka kooxihii weerarka fuliyay ay la baxsadeen hubkii uu watay.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle ama saraakiisha amniga oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarradan iyo khasaaraha guud ee ka dhashay.

Saaka ayaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle waxay bilaabeen howlgallo amni oo lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyay falalkan, iyadoo la adkeeyay ammaanka magaalada.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli Jowhar ay martigelin doonto doorashooyinka guud ee HirShabelle, kuwaas oo lagu soo dooran doono xildhibaannada baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee maamulka, taasoo sii kordhisay muhiimadda amniga magaalada.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.