• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Hirshabeelle oo faahfaahin ka bixisay ciidamo la geeyay Jowhar

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Hirshabeelle oo faahfaahin ka bixisay ciidamo la geeyay Jowhar
Share

Wararka24: Wasiirka Amniga ee Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa ka hadlay ciidamo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay magaalada Jowhar. Wuxuu sheegay in ciidamadan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay dadaal wadajir ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle. Wuxuu xusay in labada dhinac ay ka mideysan yihiin qorshaha lagu xoojinayo nabadgelyada iyo hirgelinta howlaha dowladnimo.

“Wararka lagu faafiyay baraha bulshada waa waxba kama jiraan, ciidamadu waxay u tageen howlgal lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo kooxaha Khawaarijta,” ayuu yiri wasiirka. Hadalkan ayaa jawaab u ahaa warar si weyn u faafay saacadihii la soo dhaafay.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor oo ku sii jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba, wali si rasmi ah looma shaacin ujeedka buuxa ee dhaqdhaqaaqaas.

Warar kale ayaa sheegayay in diyaarado dheeraad ah ay ciidamo ka dajiyeen Jowhar saacadihii u dambeeyay. Arrintan ayaa sii kordhisay hadal heynta la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada militari ee ka socda magaalada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wali si faahfaahsan ugama hadlin ciidamadan, balse waxaa jira qorshayaal la xiriira sugidda ammaanka doorashooyin la sheegay in lagu qabanayo dowlad goboleedyada qaar. Waxaa ka mid ah Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa adkeeyay in ujeeddada ugu weyn ay tahay xasillinta gobolka iyo ka hortagga khataraha amni. Waxay sidoo kale sheegeen in wada shaqeynta dowladda dhexe ay muhiim u tahay guusha qorshayaashan.

Xaaladda Jowhar ayaa weli si dhow loola socdaa, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay u socdaan howlgalada iyo saameynta ay ku yeelan doonaan amniga guud ee deegaanka.


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.