Wararka24: Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in duqeyn dhinaca cirka ah ay xalay ka dhacday deegaanka Masaajid Cali Gaduud, iyadoo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa aaggaasi.
Sida ay sheegeen ilo amni, duqeynta ayaa ka dhacday goob lagu magacaabo Quraca Nayle, halkaas oo lagu tuhunsanaa inay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan kooxda. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in duqeyntu ay sababtay khasaare, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada dadka waxyeelladu gaartay.
Saraakiil amni ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay xog sirdoon oo la xiriirtay dhaqdhaqaaqyo ay wadeen xubnaha la bartilmaameedsaday. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen jugta qaraxyada iyo gantaallada xilliga duqeyntu ay dhacaysay.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan awoodin inay xaqiijiyaan heerka khasaaraha ka dhashay weerarka, maadaama goobta la duqeeyay ay ku taallo meel ay adag tahay in si degdeg ah loo gaaro. Sidoo kale, ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku saabsan dhacdadan.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah goobaha ay weli ka socdaan howlgallada amniga ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana marar badan ka dhacay duqeymo iyo howlgallo ay fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.
Muddooyinkii dambe, dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo taageero dhinaca cirka iyo sirdoonka ah ka heleysa dalal saaxiib la ah Soomaaliya. Duqeymaha noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo awoodda kooxda iyo dhaqdhaqaaqyadeeda gudaha dalka.
Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay duqeyntii ka dhacday deegaanka Masaajid Cali Gaduud.


















