• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait oo si weyn u soo dhoweeyey Cumar Cartan + sawiro

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait oo si weyn u soo dhoweeyey Cumar Cartan + sawiro
Share

Wararka24: Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, ayaa gaaray dalka Kuwait, halkaas oo uu dhexdhexaadin doono kulan muhiim ah oo ka tirsan horyaalka Zain Premier League.

Cartan ayaa loo magacaabay inuu maamulo ciyaarta u dhexeysa kooxaha Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, taas oo la ciyaari doono 29-ka Juun 2026, Ciyaartan ayaa sidoo kale noqon doonta mid kooxda Kuwait SC loogu caleema saarayo koobka horyaalka dalkaas

Garsooraha Soomaaliyeed ayaa dalka Kuwait ku tagay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait, Sheekh Axmed Al-Yuusuf, taas oo muujinaysa kalsoonida lagu qabo heerkiisa garsoornimo.

Markii uu gaaray Kuwait waxaa si rasmi ah u soo dhoweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi, Cabdullaahi Maxamed Sheekh, mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait iyo wakiillo ka socday shirkadda Al Shaayic.

Cumar Cartan ayaa sanadihii dambe si weyn uga dhex muuqday garoomada caalamiga ah, isagoo loo aqoonsaday mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan qaaradda Afrika.

Horaantii sanadkan ayaa sidoo kale la shaaciyey in Cartan uu ka mid noqon doono garsoorayaasha loo xulay ciyaaro waaweyn oo heer caalami ah, waxaana magaciisa lagu xusay tartamada ugu muhiimsan ee kubadda cagta.

Garsooraha Soomaaliyeed ayaa hore u soo maamulay kulamo ka tirsan Koobka Qaramada Afrika, waxaana loo arkaa inuu qarka u saaran yahay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka qayb gala Koobka Adduunka.

Martiqaadka uu ka helay Kuwait ayaa loo arkaa mid sii xoojinaya sumcadda iyo kaalinta ay garsoorayaasha Soomaaliyeed ku leeyihiin fagaarayaasha caalamiga ah ee kubadda cagta.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.