Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xiisad ka taagan Dayniile oo sababtay isku dhacyo

Xaaladda Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa weli kacsan, kadib xiisado culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhex aloosnaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 16, 2026, 3:16 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xiisad ka taagan Dayniile oo sababtay isku dhacyo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xaaladda Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa weli kacsan, kadib xiisado culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhex aloosnaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.

Xiisaddan ayaa si gaar ah uga taagan xaafadda Warlaliska, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac, taasoo keentay dagaal toos ah iyo gacan ka hadal sababay khasaare isugu jira dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.

Dadka deegaanka ayaa si adag uga soo horjeestay qorshe lagu doonayo in laga barakiciyo dhulka ay degan yihiin, halka ciidamada ammaanka ay adeegsadeen awood si ay u fuliyaan howlaha la xiriira burburinta.

Wararka ayaa sheegaya in ay weli socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan, halka dadka deegaanka ay wadaan abaabul ay isaga difaacayaan ciidamada, iyagoo adeegsanaya dhagaxyo iyo agab kale oo ay heli karaan.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada ama saraakiisha amniga ee Muqdisho, taas oo sii kordhineysa walaaca laga qabo in xaaladdu kasii darto.

Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay dhowaan burburin ka sameysay xaafado kale oo ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa, taasoo dhalisay cabashooyin ka imaanaya shacabka ku nool caasimadda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

9 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

9 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.