Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Soomaaliya oo si adag uga hortimid tallaabo Israa’iil qaaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabo ay qaaday Israa’iil, taas oo la xiriirta magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo gobolka Somaliland.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 16, 2026, 10:12 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo si adag uga hortimid tallaabo Israa’iil qaaday
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabo ay qaaday Israa’iil, taas oo la xiriirta magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo gobolka Somaliland.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ka hor imaaneyso sharciga caalamiga ah.

Dowladdu waxay xustay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaaneyso qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo mabaa’di’da Midowga Afrika, kuwaas oo aqoonsan Soomaaliya inay tahay dal mideysan oo leh xuduudo caalami ah oo la wada oggol yahay.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa si cad u sheegtay inay gebi ahaanba diidan tahay isku day kasta oo lagu doonayo in aqoonsi siyaasadeed ama diblomaasiyadeed la siiyo qayb ka mid ah dhulkeeda iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda dhexe.

Bayaanaka ayaa lagu adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana dadaal kasta oo lagu muujinayo inay tahay dal gooni ah uu yahay mid aan sharciyad lahayn, isla markaana wax u dhimaya heshiisyada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday Israa’iil inay dib uga laabato go’aankan, isla markaana ay ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta, inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah kana hortagaan tallaabo kasta oo dhaawacaysa midnimada dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inay ka go’an tahay difaaca midnimada iyo xuquuqdeeda qaran iyadoo adeegsaneysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee suuragalka ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.