Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, kahor inta uusan u dhoofin magaalada Baydhaba.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee ururka, iyadoo lagu falanqeeyay xoojinta wadajirka xubnaha iyo dardargelinta howlaha siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyo u diray xubnaha cusub ee golaha deegaanka gobolka Banaadir, isagoo ku ammaanay doorkooda horumarinta caasimadda.
Wuxuu kula dardaarmay inay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka, isla markaana mudnaanta siiyaan adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin doorashooyinka, isagoo sheegay inay yihiin tiirka lagu xaqiijin karo dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.
“Doorashooyinka waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo matalaad dhab ah,” ayuu yiri madaxweynaha.
Wuxuu sidoo kale ku booriyay xubnaha ururka inay ka shaqeeyaan midnimo iyo wada tashi, si loo helo doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in madaxweynaha uu booqasho ku tago magaalada Baydhaba oo ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed.



























