Wararka24: 5-02-2026:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in la dhameystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, inkastoo ay jiraan khilaafaad ka dhex jira Baarlamaanka Federaalka iyo diidmo ay muujiyeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, xilli lagu wareejinayay xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin in ismariwaa siyaasadeed uu hakiyo horumarka dalka.
“Waad ogtihiin in dhameystirka dastuurka uu socdo, dowladduna ma aqbalayso in lagu sii jiro xaalad is-taag ah, dalku wuxuu u baahan yahay inuu hore u socdo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli doodaha ku saabsan wax ka beddelka dastuurka ay sababeen muran iyo gacan ka hadal ka dhacay gudaha Baarlamaanka Federaalka, halkaas oo xildhibaano mucaarad ah ay hor istaageen fadhiyaal, kadibna ay soo farageliyeen ciidanka ammaanka.
Dastuurka KMG ah ayaa weli ka mid ah qodobada siyaasadeed ee ugu muranka badan Soomaaliya, iyadoo dhameystirkiisu uu ku xiran yahay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Waxaa sidoo kale jira cadaadis siyaasadeed oo ka dhashay soo dhowaanshaha dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo kan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


















