• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiirka Caafimaadka DF oo qaaday tallaabo degdeg ah kadib dhacdadii Isbitaalka Banaadir.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Caafimaadka
Share

Muqdisho – Wararka24: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa caawa xilka ka qaaday Agaasimihii Hore Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr. Fartuun Shariif, kaddib dhacdadii murugada lahayd ee Gabadh Soomaaliyeed ay ku umushay iridda hore ee isbitaalkaas xili laga ciliyey albaabka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka ayaa manta lagu magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, isagoo beddelaya Dr. Fartuun Shariif, oo xilkaasi haysay muddo sanad ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

Isbeddelkan ayaa yimid saacado kadib markii Wasiirka Caafimaadka uu kormeer degdeg ah ku tagay Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu si toos ah uga waraystay maamulka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku sugnaa 26-kii Oktoobar — xilligii ay dhacdadu dhacday.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in natiijadii hordhaca ahayd ee baaritaanka ay muujisay dayacaad ka timid dhinaca maamulka iyo shaqaalaha, taasoo sababtay in haweeney uur leh lagu diido adeeg caafimaad oo degdeg ah. Wuxuu ku tilmaamay dhacdadaas “mid aan la aqbali karin” maadaama adeegga caafimaad ee degdegga ahi yahay xuquuq aasaasi ah oo muwaadiniinta ay xaq u leeyihiin.

“Waxaan aad uga xunahay dhacdadaasi murugada leh, waxaanan shacabka Soomaaliyeed ka raaligelinayaa in arrin noocaas ah ay ka dhacdo isbitaal dowladeed oo hooyooyinka iyo dhallaanka loogu talagalay,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in isbeddelka maamulka uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo hufnaanta iyo daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalaha ku jiray habeenkii ay dhacdadu dhacday shaqada laga joojin doono inta baaritaanku socdo.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa faray Agaasimaha cusub inuu shaqada u guto si masuuliyad iyo hufnaan ku dhisan, isagoo ballan qaaday in Wasaaraddu ay qaadi doonto tallaabooyin sharci iyo maamul oo ka dhan ah cid kasta oo lagu helo dayacaad ama ku tagrifal shaqo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

“Badbaadada hooyada iyo dhallaanka waa mudnaanta koowaad ee Wasaaradda Caafimaadka, cidna looma oggolaan doono in ay halis geliso nolosha shacabka,” ayuu raaciyay Wasiirka.


Share
Tags: BanaadirCaafimaadkawararka manta
Previous Post

Daawo: Arin murugo leh: Hooyo ku umushay bannaanka Isbitaalka Banaadir

Next Post

War kasoo baxay Koox burcad-badeed Soomaali ah oo shalay markab qabsaday?

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Koox burcad-badeed Soomaali ah

War kasoo baxay Koox burcad-badeed Soomaali ah oo shalay markab qabsaday?

RW ku Xigenka Saalax Axmed Jaamac oo Soomaaliya ku matalay Shir ka dhacay Brazil..

RW ku Xigenka Saalax Axmed Jaamac oo Soomaaliya ku matalay Shir ka dhacay Brazil..

Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo cusub…

Somaliland oo soo saartay 18 qodob oo cusub...

Recommended

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

4 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

12 months ago
Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

4 months ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

9 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

8 months ago
ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

11 months ago
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.