Wararka24: Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa maanta dalka Turkiga ku saxiixay laba heshiis oo la xiriira horumarinta tacliinta sare ee culuumta baddaha iyo xoojinta sharciga maamulka baddaha Soomaaliya.
Heshiisyada ayaa lala galay Jaamacadda Piri Reis iyo xarunta cilmi-baarista sharciga baddaha ee DEHUKAM, kuwaas oo ka mid ah hay’adaha ku takhasusay arrimaha baddaha ee dalka Turkiga.
Heshiiska ugu horreeya ayaa diiradda saaraya horumarinta waxbarashada iyo tababarrada la xiriira culuumta baddaha, iyadoo shaqaalaha Wasaaradda Dekedaha iyo howl-wadeennada dekadaha dalka ay heli doonaan fursado waxbarasho iyo tababarro ay bixiso Jaamacadda Piri Reis.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in iskaashigan uu ka qeyb qaadan doono kor u qaadista tayada aqoonta iyo xirfadaha la xiriira maamulka dekedaha, gaadiidka badda iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka.
Dhanka kale, heshiiska lala galay xarunta DEHUKAM ayaa xoogga saaraya dhinacyada sharciga, talo-bixinta iyo dib-u-eegista xeerarka khuseeya maamulka baddaha Soomaaliya. Xaruntan ayaa la filayaa inay ka taageerto dowladda Soomaaliya horumarinta nidaam sharciyeed oo casri ah oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in heshiisyadan ay saldhig u noqon doonaan dhismaha aqoonta, xirfadaha iyo sharciyada lagu maamulayo khayraadka badda Soomaaliya, si loo helo shaqaale aqoon leh iyo hannaan maamul oo hufan.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in iskaashigan uu xoojin doono dadaallada lagu ilaalinayo kheyraadka badda iyo horumarinta adeegyada la xiriira dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
Labada heshiis ayaa sidoo kale muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda.


























