• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasaaradda Cimilada Jubaland oo ka digtay fatahaado iyo roobab culus oo la filayo

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 weeks ago
Reading Time: 4 mins read
Wasaaradda Cimilada Jubaland oo ka digtay fatahaado iyo roobab culus oo la filayo
Share

Wararka24: Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubaland ayaa digniin ka soo saartay roobab culus iyo fatahaado laga cabsi qabo inay saameeyaan deegaanada maamulka laga bilaabo bisha Oktoobar 2026.

Wasiirka Wasaaradda, Caydiid Suleymaan Xaashi, ayaa sheegay in saadaasha cimiladu muujinayso khatar sii kordheysa oo la xiriirta roobabka Deyrta, gaar ahaan kuwa la filayo horraanta bisha Oktoobar.

Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa 12 degmo oo Jubaland ah ay u nuglaan karaan fatahaadaha iyo roobabka xooggan. Wuxuu dadka ku nool hareeraha webiyada, meelaha biyo-mareennada iyo dhulka hoose ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha halista ah, ayna u guuraan meelaha ammaan ah haddii xaaladdu kasii darto.

Saadaasha cimilada ayaa sidoo kale muujinaysa in Soomaaliya ay wajihi karto roobab ka sarreeya celceliska xilliga Oktoobar ilaa Diseembar, iyadoo khatarta fatahaaduhu si gaar ah uga jirto hareeraha webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Caydiid Suleymaan ayaa sheegay in qiyaastii 1.8 milyan oo qof ay saameyn ka qaadi karaan roobabka iyo fatahaadaha la saadaalinayo, halka in ka badan 351,000 qof ay suuragal tahay inay ka barakacaan deegaanadooda haddii fatahaado waaweyn dhacaan.

Waxa uu intaas ku daray in ku dhowaad 45 xarumood oo caafimaad iyo 10 iskuul ay wajihi karaan khatar, haddii fatahaadaha la saadaaliyay ay dhacaan. Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay weli xusuusan tahay fatahaadihii waaweynaa ee 2023 oo sababay barakac iyo khasaare ballaaran.

Wasiirka ayaa shacabka Jubaland, gudaha dalka iyo qurba-joogta ugu baaqay inay si hore ah ugu diyaar garoobaan xaaladda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay isku-tashi iyo qorshe degdeg ah oo looga jawaabo musiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale, wuxuu dowladda federaalka ku dhaliilay taageeradii ay Jubaland ka heli weyday xilligii abaarta, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in gargaarka loogu talagalay Jubaland si toos ah loo gaarsiiyo maamulka.

Wasaaradda ayaa hay’adaha dowladda ugu baaqday inay diyaariyaan qorshayaal gaar ah oo looga hortagayo saameynta fatahaadaha, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, beeraha, xoolaha iyo ilaalinta bulshada.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.