Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wariye Bashiir Maxamed oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii Baydhaba

Allaha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Baydhaba ku geeriyooday wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka howlgasha magaalada, kaddib markii uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii 3-dii Sebtembar ka dhacay Baydhaba.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 7, 2026, 1:11 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Wariye Bashiir Maxamed oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Allaha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Baydhaba ku geeriyooday wariye Bashiir Maxamed Cabdullaahi, oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka howlgasha magaalada, kaddib markii uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii 3-dii Sebtembar ka dhacay Baydhaba.

Bashiir ayaa dhaawac kasoo gaaray intii uu socday dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanno la safan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Ilo wareedyo ayaa sheegay in wariyaha uu dhaawaca soo gaaray xilli uu magaalada ka socday iska horimaad hubeysan.

Xaaladda caafimaad ee wariyaha ayaa kasii dartay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday Baydhaba. Wararka laga helayo dhacdada ayaa sheegaya in dhaawaca ay gaarsiiyeen maleeshiyaad hubeysan, balse faahfaahinta iyo cidda sida tooska ah uga dambeysay dhaawaciisa si madax-bannaan looma xaqiijin.

Marxuum Bashiir wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Arlaadi, oo ku hadasha afka Maayga, taas oo ka howlgasha gudaha Koonfur Galbeed. Maamulka warbaahinta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta marxuumka, iyagoo sheegay inay la qeybsanayaan murugada geerida wariyaha.

Dagaalladii ka dhacay Baydhaba ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo dadka rayidka ah ay kamid yihiin dadka sida weyn u saameeyay iska horimaadyada. Magaalada ayaa sidoo kale wajahday barakac cusub, iyadoo qoysas badan ay ka carareen xaafado ay ka cabsi qabeen in dagaal kale uu ka qarxo.

Xaaladda amni ee Baydhaba ayaa weli kacsan, iyadoo labada dhinac ee isku haya magaalada lagu soo warramayo inay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka. Isu-uruursiga ciidamada ayaa cabsi hor leh ku abuuray shacabka, gaar ahaan dadka weli ku sugan goobaha ay xiisaddu ka jirto.

Geerida wariye Bashiir ayaa mar kale soo bandhigtay khatarta ay saxafiyiintu wajahaan marka ay ka howlgalaan goobaha colaadaha, iyadoo dagaallada Baydhaba ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo badqabka shacabka iyo shaqaalaha warbaahinta


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.