Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Fahad Yaasiin oo ka digay saameynta dhacdadii Doolow

Fahad Yaasiin, oo horey u soo noqday agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, ee lagu duqeyay guriga taliye SHUB, isaga oo ka digay saameyn amni…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 4, 2026, 6:10 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Fahad Yaasiin oo ka digay saameynta dhacdadii Doolow
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Fahad Yaasiin, oo horey u soo noqday agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, ee lagu duqeyay guriga taliye SHUB, isaga oo ka digay saameyn amni iyo mid siyaasadeed oo ka dhalan karto.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn asna yeelan karo saameyn ka baxsan gudaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dhacdada ay saameyn ku yeelan karto xaaladda amni ee dalka iyo waddamada deriska ah.

Isaga oo dhacdada Doolow barbar dhigaya qaraxii 2006 lala beegsaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayuu sheegay in labada dhacdo ay yeelan karaan saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo muddo dheer sii jiri karta.

“Gaarigii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaa ka dhashay isbeddallo saamayn weyn ku yeeshay dalka 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Isaga oo si gaar ah uga hadlayay weerarka Doolow, Fahad Yaasiin wuxuu sheegay in isticmaalka drone-ka uu arrinta ka dhigi karo mid leh saameyn ballaaran. “Diyaaradda Drone-ka ah ee lagu weeraray guriga Taliye Mahad Cabdiraxmaan ee Doolow, waxaa ka dhalan doonta saamayn halis ah oo dalka iyo waddamada deriska ah ku sii faafi karta,” ayuu yiri.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inay ka gudubtay xuduudihii uu sheegay inay ilaalinayeen nidaamka amniga qaranka Soomaaliya.

“Nidaamka Xasan Sheekh xuduud kasta wuu dhaafay, waxaana khasab ah in dib loogu laabto hannaanka amniga qaranka oo idil,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii Doolow. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya sababta qaraxa, ujeeddada laga lahaa iyo cidda ka dambeysay.

Dowladdu waxay intaa ku dartay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amnigu ay muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga. Si kastaba, baaritaanka rasmiga ah ayaa lagu wadaa inuu caddeeyo sida ay dhacdadu u dhacday iyo cidda mas’uulka ka ahayd.

Dhacdada Doolow ayaa kusoo beegmeysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka jira qaybo ka mid ah dalka, iyadoo weerarka iyo hadallada kasoo baxay dhinacyada siyaasadda ay sare u qaadeen baahida loo qabo in si rasmi ah loo caddeeyo cidda ka dambeysay iyo ujeeddada weerarka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.