• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 25, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Wargeysyada CNN, MS NOW iyo Politico oo dacwad ka gudbinaya maamulka Trump

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
4 days ago
Reading Time: 3 mins read
Wargeysyada CNN, MS NOW iyo Politico oo dacwad ka gudbinaya maamulka Trump
Share

Wararka24: CNN, MS NOW iyo Politico ayaa ku dhawaaqay inay dacwad ka gudbinayaan maamulka Madaxweyne Donald Trump, kadib markii Aqalka Cad uu ka mamnuucay wariyeyaasha saddexda wargeys inay galaan xarunta madaxweynaha Mareykanka.

Saddexda wargeys ayaa maanta oo Isniin ah sheegay inay dowladda ku wargeliyeen inay dacwadda ka gudbinayaan Maxkamadda Federaalka ee Degmada Columbia, iyagoo dalbanaya in si degdeg ah loo dhageysto kiiskooda. Waxay sheegeen in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid lagu difaacayo xuquuqdooda uu ilaalinayo Wax-ka-beddelka Koowaad ee Dastuurka Mareykanka.

Dacwadda ayaa timid laba maalmood kadib markii wariyeyaasha CNN, MS NOW iyo Politico loo diiday gelitaanka Aqalka Cad, iyadoo kaararkoodii aqoonsiga saxaafadda lagala noqday. Saddexda hay’adood ayaa sheegay inaysan helin ogeysiis ama hannaan ay kaga jawaabaan go’aanka.

Madaxweyne Trump ayaa 18-kii Sebtembar ku dhawaaqay inuu saddexda warbaahin ka mamnuucayo Aqalka Cad, isagoo ku eedeeyay inay baahiyaan waxa uu ku tilmaamay “warar been abuur ah”. Trump ma uusan xusin warbixin gaar ah oo sababtay go’aanka, balse wuxuu sheegay in arrintu la xiriirto warbixinno uu ku sheegay inay muddo sannado ah soo socdeen.

Trump ayaa maanta mar kale difaacay go’aanka, isagoo sheegay in tallaabadu aysan ahayn weerar lagu qaaday saxaafadda, balse uu bartilmaameedsanayo warbaahin uu ku eedeeyay “warar been abuur ah”. Aqalka Cad weli kama uusan jawaabin codsiyada warbaahinta ee ku saabsan dacwadda cusub.

Ururka Wariyeyaasha Aqalka Cad oo trump ugu baaqay in uu go’anka ka laabta

Ururka Wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa horay ugu baaqay maamulka Trump inuu dib ugu noqda goanka , isagoo sheegay in hab lagu xaddido hal warbaahin uu mustaqbalka saameyn ku yeelan karo hay’ado kale. Associated Press-na waxay sheegtay inay taageersan tahay hay’adaha la mamnuucay.

Khilaafka cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka Trump uu horey uga qaaday tallaabooyin lagu xaddiday gelitaanka qaar ka mid ah warbaahinta. Sannadkii hore, Aqalka Cad ayaa wariyeyaasha Associated Press ka hor istaagay qaar ka mid ah goobaha madaxweynaha kadib muran ka dhashay magaca loo adeegsanayo Gacanka Mexico, taasoo AP ay maxkamad geysay.

Kiiska cusub ayaa hadda hor yaalla maxkamadda federaalka, waxaana saddexda hay’adood ay doonayaan in dib loogu soo celiyo xuquuqdooda gelitaanka iyo tebinta howlaha Aqalka Cad.


Share

Recommended

DF oo soo afjartay xiisad ka taagneyd degaanka u dhexeeya Marka iyo Janaale

DF oo soo afjartay xiisad ka taagneyd degaanka u dhexeeya Marka iyo Janaale

2 months ago
DF oo sheegtay inay galayso Baydhaba iyo digniin kasoo baxday Lafta-gareen

DF oo sheegtay inay galayso Baydhaba iyo digniin kasoo baxday Lafta-gareen

6 months ago
Xogta Burcadbadeed weerar ku qaday laba markab oo marayay xeebaha Puntand

Xogta Burcadbadeed weerar ku qaday laba markab oo marayay xeebaha Puntand

3 months ago
Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya

3 months ago
Lafta-gareen oo ka horyimid doorashada Koonfur Galbeed kana digay dhaq-dhaqaaqa DF

Lafta-gareen oo ka horyimid doorashada Koonfur Galbeed kana digay dhaq-dhaqaaqa DF

4 months ago
Turkiga oo sheegay in shidaal laga soo saari karo Soomaaliya muddo 9 bilood ah

Turkiga oo sheegay in shidaal laga soo saari karo Soomaaliya muddo 9 bilood ah

6 months ago
Mogadishu City Club oo ku guuleystay Koob.

Mogadishu City Club oo ku guuleystay Koob.

8 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.