Laascaanood – Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqday tababar muhiim ah oo lagu horumarinayo xirfadaha suxufiyiinta gobolka, gaar ahaan fahamka iyo ka warbixinta arrimaha khilaafaadka si masuuliyad ku dheehan tahay.
Tababarka oo cinwaankiisu yahay “Skill Development for North East Journalists on Conflict Sensitive and Peace Journalism” ayaa diiradda saaraya saddex qodob oo waaweyn: in suxufiyiintu si miisaaman uga warbixiyaan khilaafaadka, in la dhiirrigeliyo weriye-nimada nabadda, iyo in warbaahintu door muuqda ka qaadato dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in tababarkani uu qayb ka yahay qorshayaasha lagu horumarinayo warbaahinta deegaanka, iyadoo la tixgelinayo kaalinta ay saxaafaddu ku leedahay nabadda, xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta bulshada gobolka.