• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Baarlamaanka Carabta Oo Ballanqaaday Dadaallo Lagu Taageerayo Amniga Iyo Xasilloonida Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya
Share

Wararka24: 25-01-2026 Baarlamaanka Carabta ayaa shaaciyay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka Yemen iyo Soomaaliya, isaga oo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee labada dal.

Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Baarlamaanka Carabta intii lagu guda jiray furitaanka kalfadhigii labaad ee fadhiga guud ee wareegga labaad, ee cutubka sharci-dejinta afaraad, kaas oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Bayaanka ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay ixtiraamka mabda’a ah in aan lagu faragelin arrimaha gudaha dowladaha, isla markaana lagu dadaalo xalal nabadeed oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee dalalka Carabta.

Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dowladaha iyo baarlamaannada Carbeed inay muujiyaan midnimo iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan yihiin Yemen iyo Soomaaliya, ayna qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga labada dal.

Sidoo kale, bayaanka ayaa mar kale lagu adkeeyay diidmada buuxda ee faragelin kasta oo shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalalka Carabta, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida qarannimada.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay jireen cadaadisyo diblomaasiyadeed oo sii kordhaya oo ay wadeen dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, kadib tallaabooyin la xiriiray aqoonsi muran dhaliyay oo ku saabsan Somaliland, kuwaas oo xoojinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu difaacayo midnimada iyo madaxbannaanida dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.