Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wamaxay sababta uu Farmaajo uga mid noqon waayay Golaha Mustaqbalka?

Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Farmaajo uusan diidin ka mid noqoshada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, balse ay arrintaas kasoo horjeesteen xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 14, 2026, 3:21 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Wamaxay sababta uu Farmaajo uga mid noqon waayay Golaha Mustaqbalka?
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Farmaajo uusan diidin ka mid noqoshada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, balse ay arrintaas kasoo horjeesteen xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in isaga oo hoggaaminayay guddiga Nabad iyo Nolol ee wada-hadallada siyaasadeed, ay la kulmeen diidmo uga timid xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka. Sida uu sheegay, xubnahaas ayaa ku dooday in haddii Farmaajo lagu daro golaha ay iyagu ka bixi doonaan.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uu ka fogaaday tallaabo kasta oo keeni karta kala-jab ku yimaada mucaaradka, isagoo doorbiday in la ilaaliyo midnimada dhinacyada siyaasadeed. Sida uu xusay, go’aanka uu farmaajo ugu mid noqonin golaha kama iman dhinaca Nabad iyo Nolol.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka ay ku doodeen in Farmaajo iyo xisbigiisa aan loo aqoonsan karin mucaarad dhab ah, maadaama mowqifyadooda siyaasadeed ay kaga duwan yihiin kooxaha kale ee mucaaradka. Wuxuu sheegay in cidna aysan xaq u lahayn inay siyaasiyiinta siiso ama ka qaaddo magaca mucaaradnimo.

Nabad iyo Nolol ayaa sheegtay inay sii wadi doonto ka qaybgalka wada-hadallada siyaasadeed ee lagu raadinayo xal laga gaaro muranka doorashooyinka. Xisbigu wuxuu xusay in uu leeyahay mowqif u gaar ah oo ku saabsan hannaanka doorashada, isla markaana uu taageersan yahay in Soomaaliya u gudubto doorasho qof iyo cod ah, iyadoo lagu gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli socdaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo diiradda lagu saarayo hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in kala aragti duwanaanta ka dhex jirta mucaaradka ay saameyn ku yeelan karto dadaallada lagu doonayo in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo horseeda doorasho loo dhan yahay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.