Wararka24: Dowladda Turkiga ayaa sii ballaarisay taageerada ay siiso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, iyadoo markii ugu horreysay tababarrada lagu daray adeegsiga taangiyada culus, gaadiidka gaashaaman iyo qalab militari oo heer sare ah.
Barnaamijkan cusub ayaa muujinaya isbeddel ku yimid nooca tababarka la siinayo ciidamada Gorgor, kuwaas oo hore diiradda u saarayay howl-gallada degdegga ah iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Hadda waxaa la doonayaa in ciidamadu yeeshaan awood dheeraad ah oo la xiriirta dagaallada dhulka ee ballaaran.
Warbixinno la daabacay ayaa sheegay in tababarka cusub lagu bixinayo laba goobood, kuwaas oo kala ah xerada TurkSom ee Muqdisho iyo xarumo militari oo ku yaalla dalka Turkiga. Casharrada la siinayo ciidamada waxaa kamid ah adeegsiga taangiyada, gaadiidka gaashaaman iyo dayactirka qalabka culus.
Turkiga ayaa sannadihii lasoo dhaafay tababaray kumannaan askari oo Soomaaliyeed, balse qorshahan cusub ayaa loo arkaa mid sare u qaadaya awoodda ciidamada qaranka. Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay dib-u-dhiska ciidamadeeda iyo xoojinta awoodda amniga dalka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Soomaaliya ay heshay taangiyo iyo gaadiid gaashaaman oo ay Turkigu bixiyeen, kuwaas oo la filayo inay qayb ka noqdaan howl-gallada amniga ee socda. Saraakiisha ciidamada ayaa aaminsan in qalabkan cusub uu gacan ka geysan karo difaaca xarumaha muhiimka ah iyo sugidda waddooyinka waaweyn.
Dhanka kale, Turkiga ayaa dhawaan Soomaaliya ku wareejiyay diyaarado qumaatiga u kaca oo nooca dagaalka ah, kuwaas oo loogu talagalay taageeridda ciidamada dowladda ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad amni oo xasaasi ah, iyadoo dowladda federaalka ay waddo qorsheyaal lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

















