Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Trump oo sheegay inay dhammaatay xabbad-joojintii uu Mareykanka la lahaa Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ay dhammaatay xabbad-joojintii iyo is-afgaradkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran, kadib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen duqeymo culus saacadihii la soo dhaafay.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 8, 2026, 4:49 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Trump oo sheegay inay dhammaatay xabbad-joojintii uu Mareykanka la lahaa Iran
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ay dhammaatay xabbad-joojintii iyo is-afgaradkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran, kadib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen duqeymo culus saacadihii la soo dhaafay.

Trump ayaa hadalkan jeediyay isagoo la hadlayay warbaahinta intii uu kulan la lahaa Xoghayaha Guud ee NATO. Markii la weydiiyay xaaladda xabbad-joojinta, wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in heshiiskii u dhexeeyay labada dhinac uu soo afjarmay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuusan doonayn inuu sii wado wada-xaajoodyo uu la galo Iran, isagoo ku eedeeyay dowladda Tehran inay lumisay kalsoonidii loo baahnaa si loo sii wado wada-hadallada. Wuxuu intaas ku daray in wada-xaajoodyo dambe ay noqon karaan waqti lumis, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday inay ballaarinayso weerarrada ka dhanka ah saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe. War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu mas’uul ka noqon doono cawaaqibka ka dhasha duqeymaha uu ka fuliyay gudaha Iran, sida ay baahisay Al Jazeera.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaarad sidday Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ay si degdeg ah uga duushay magaalada Najaf ee dalka Ciraaq kuna laabatay Iran, xilli ay sii xoogeysanayeen weerarrada militari ee u dhexeeya labada dhinac.

Xiisaddan ayaa noqotay mid sii kordheysa, iyadoo labada dal ay is-weydaarsanayaan weerarro la sheegay inay yihiin kuwii ugu xooganaa tan iyo markii la gaaray heshiiskii xabbad-joojinta. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo muujinaya in dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub lagu soo celinayo wada-hadallada ama lagu dejinayo xiisadda sii xoogeysaneysa.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.