WASHINGTON — Wada hadal kulul ayaa dhexmaray Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu kadib markii Tel Aviv ay duqeyn ku qaaday Iran.
Heshiis xabad joojin oo Trump ku dhawaaqay Isniintii fiidkii ayaa saacado gudahood waxaa jabiyey Israel, iyagoo gantaalo ku garaacday goob radar ah oo Tehran u dhow.
Trump oo NATO u duulaya ayaa warbaahinta u sheegay inuu aad uga xumaaday Israel. “Marka aan heshiis sameyno ma aha inaad isla markiiba dagaal kalo bilowdo,” ayuu yiri.
Trump ayaa qadka telefoon kula hadlay Netanyahu isagoo ku amray inuu joojiyo duqeynta. Ilo udhaw madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shegay in si kulul uu ula hadlay Netanyahu
Iran ayaa beenisay eedaymaha Israel ee ah inay soo tuureen gantaalo. Tehran waxay sheegtay in diyaaradaha Israel ay weli duqaynayaan dadka rayidka.
Dadka magaalooyinka labada dal ayaa farxad ka muujiyay joojinta colaadda. Qaar ayaa guryahooda ku soo laabanaya kadib barakacii.
Dagaalka ayaa 12 maalmood socday ayaa keenay khasaare ballaaran. Trump wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xasilinta gobolka.
Israel waxay ku andacootay inay difaac u garaacday radar Iran. Netanyahu ayaa sheegay in Trump uu taageerayo xasilloonida heshiiska.
Labada dal ayaa is eedeynaya jabinta xabad joojinta. Dadweynaha ayaa ka welwelsan mustaqbalka nabadda gobolka.