Wararka24: Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii 3-dii Sebtembar lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah.
Wareysi uu siiyay Geed-Fadhi ayuu Shub ku sheegay in diyaaradda uu ku arkay xilli habeen ah iyadoo dul heehaabaysa gurigiisa, kadibna ay laba gantaal ku dhufteen dhismaha. Wuxuu sheegay in gantaalladu ay burbur gaarsiiyeen qayb ka mid ah guriga, balse uu isaga ka badbaaday weerarka.
Shub ayaa sheegay in dhaawac uu kasoo gaaray firirka qaraxa, isaga oo tilmaamay in markii weerarku dhacay uu si degdeg ah uga baxay guriga, kadibna uu lug ku tegay Isbitaalka Guud ee Doolow. Wuxuu sheegay in halkaas lagu daweeyay, isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay hadda soo hagaagtay.
Taliyihii hore ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shakisan yahay nin horey u ahaa darawalkiisa, kaas oo uu sheegay in markii hore Muqdisho loo diray kadib markii uu ka shakiyay dhaq-dhaqaaqyadiisa. Sida uu sheegay, ninka ayaa markii dambe dib ugu soo laabtay Doolow, waxaana uu sheegay in hadda la xiray oo baaritaan lagu hayo.
Shub wuxuu sheegay in ninkaasi uu marar badan taleefan kula hadli jiray dad kale, isla markaana uu arkay isagoo si hoose u hadlaya. Wuxuu intaas ku daray in markii weerarku dhacay kadib uu guddoomiyaha degmada Doolow qabtay ninka, isla markaana laga qaaday qorigii uu watay.
Waxaa kale oo uu sheegay in shaqaale dhisme oo guriga dayactirayay ay u sheegeen in ninkaasi uu sawirro ka qaaday guriga dhinacyadiisa. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqaale kale oo guriga joogtay ay hal habeen aragtay ninka oo qol ku dhex qoraya waxyaabo, taasoo uu ku sheegay inay ka mid tahay waxyaabihii shaki geliyay.
Eedeymaha Shub ayaa kusoo beegmaya iyadoo cidda ka dambeysay weerarka Doolow ay weli tahay arrin muran ka taagan yahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u diidday inay ku lug lahayd weerarka, halka dhinacyo siyaasadeed iyo maamulka Jubaland ay horey u jeediyeen eedeymo la xiriira in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga loo adeegsaday weerarka.
Dhanka kale, 8-dii Sebtembar waxaa Doolow lagu xiray nin lagu magacaabo Macalimeey, kaas oo ilo wareedyo ay sheegeen in looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay qaraxii guriga Shub. Saraakiisha gacanta ku haysay ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameynayay taleefannadiisa iyo dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyay ka hor iyo kadib weerarka.
Weerarka Doolow ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, iyadoo dhacdadan ay dhalisay eedeymo iyo warar is-khilaafsan oo ku saabsan cidda ka dambeysay iyo ujeeddada laga lahaa.







