• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sudan oo Itoobiya ku eedeysi weerarro diyaarado drone ah iyo Addis Ababa oo jawaab kulal kabisay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sudan oo Itoobiya ku eedeysi weerarro diyaarado drone ah iyo Addis Ababa oo jawaab kulal kabisay
Share

Wararka24: Xiisad diblomaasiyadeed ayaa cirka isku shareertay kadib markii dowladda Itoobiya ay si adag u beenisay eedeymo uga yimid Sudan oo la xiriira weerarro diyaarado drone ah. Addis Ababa ayaa sheegtay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal lahayn, isla markaana ay dhaawacayaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Sudan ay waddo olole siyaasadeed oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo amniga Itoobiya. Dowladda Itoobiya waxay xustay inay muddo dheer ka gaabsatay inay si furan uga hadasho arrimaha la xiriira xadka labada dal, si loo ilaaliyo xiriirka shacabka labada dhinac.

Sudan ayaa hore u sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay in dhulkeeda loo adeegsado weerarro ka dhacay gudaha Sudan, gaar ahaan kuwa loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Itoobiya ayaa arrintaasi si cad u beenisay, iyadoo sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarradaas.

Dhanka kale, Addis Ababa ayaa eedeynta dib ugu celisay Sudan, iyadoo ku andacooneysa in ciidamada Sudan ay taageero siiyaan dagaalyahanno xiriir la leh TPLF, kuwaas oo ka howlgala meelaha ku dhow xadka galbeed ee Itoobiya. Itoobiya waxay sheegtay inay hayso xog muujineysa dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo khatar ku ah amniga gudaha dalka.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli Sudan ay wali ku jirto dagaal gudaha ah oo billowday sanadkii 2023, kaas oo sababay barakac ballaaran iyo burbur bani’aadamnimo. Itoobiya iyo Sudan ayaa sidoo kale muddo dheer isku hayay muranka dhulka Al-Fashaga.

Inkasta oo hadalka Itoobiya uu ahaa mid adag, haddana waxay ku baaqday xabbad-joojin degdeg ah iyo wada-hadal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda Sudan, si loo helo xasillooni waarta oo gobolka ah.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.