Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis ka gaaray xoojinta tababarada booliska + sawiro

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca tababarka ciidamada booliska, iyadoo labada dhinac ay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah horumarinta hay'adaha amniga iyo fulinta sharciga.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 4, 2026, 5:01 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis ka gaaray xoojinta tababarada booliska + sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca tababarka ciidamada booliska, iyadoo labada dhinac ay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah horumarinta hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka wadajirka ah, heshiiska ayaa dhigaya hannaan iskaashi oo xoogga saaraya tababarrada aqooneed iyo kuwa xirfadeed ee ciidamada booliska, diyaarinta macallimiinta bixiya tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo booqashooyinka waxbarasho.

Qodobada heshiiska ayaa sidoo kale ka kooban qabanqaabinta shirar, siminaarro, aqoon-is-weydaarsiyo iyo tababaro heer sare ah oo lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha ciidamada booliska ee labada dal.

Labada dowladood ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo maamula hirgelinta heshiiska, qiimeeya heerka uu marayo iskaashiga isla markaana qorsheeya wejiyada xiga ee wada-shaqeynta. Guddigaasi ayaa ka koobnaan doona wakiillo ay soo magacaabaan hay’adaha ay khuseyso ee labada dhinac.

War-murtiyeedka ayaa xusay in dhammaan hawlaha la xiriira iskaashiga ay waafaqsan yihiin shuruucda gudaha ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, xeerarka caalamiga ah iyo waajibaadka ka saaran dowladda Talyaaniga ee xubinnimada Midowga Yurub.

Sidoo kale, heshiiska ayaa lagu adkeeyay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista xogta shakhsiga ah inta lagu guda jiro fulinta barnaamijyada iskaashiga. Waxaa lagu heshiiyay in heshiisku dhaqan geli doono muddo shan sano ah, iyadoo dib loo cusboonaysiin karo marka muddadaasi dhammaato.

Saxiixa heshiiskan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya iyo Talyaanigu ay sii xoojinayaan xiriirkooda dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo dhismaha awoodda ciidamada ammaanka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.