Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mauritania, Maxamed Saalim Marzuuq, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 10, 2026, 6:00 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya iyo Mauritania oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mauritania, Maxamed Saalim Marzuuq, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, ahna Danjiraha aan degganeyn ee Mauritania, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dowladood.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga diblomaasiyadeed iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Mauritania ee dhinacyo kala duwan.

Intii uu socday kulanka, Soomaaliya iyo Mauritania ayaa kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad (MoU), kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal. Heshiisyada ayaa diiradda lagu saaray amniga, la dagaallanka argagixisada, kalluumeysiga, batroolka iyo waxbarashada.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa gobolka, si loo xoojiyo iskaashiga siyaasadeed, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Labada dowladood ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta heshiisyada la saxiixay, iyagoo sheegay inay muhiim u yihiin horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan kor u qaadista danaha wadajirka ah ee labada dal.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.