• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya iyo Algeria oo xoojinaya iskaashiga amniga

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya iyo Algeria oo xoojinaya iskaashiga amniga
Share

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Algeria, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Saciid Sacyuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Algeria.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Taliyaha Guud ee Amniga Qaranka Algeria Badaawi, Safiirka cusub ee Algeria usoo magacowday SoomaaliyaMaxamed Calim iyo Safiirka Soomaaliya ee Algeria Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).

Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xasilloonida siyaasadeed iyo taageerada dowlad dhiska Soomaaliya.

Labada wasiir ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda iyo maamulka heer deegaan. Waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa is weydaarsiga khibradaha iyo tababarrada la xiriira amniga iyo maamulka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Algeria ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed oo soo jireen ah, iyadoo Algeria ay kamid tahay dalalka taageera dadaallada nabadda iyo xasilinta Soomaaliya. Kulankan ayaa loo arkaa mid sare u qaadaya xiriirka labada dal iyo iskaashiga gobolka.

Booqashada Wasiir Cali Xoosh ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga amniga si loo taageero xasilloonida iyo dib u dhiska dalka.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.