Wararka25: 24-02-2026 Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay tahay saaxiib istiraateji ah oo door muuqda ka qaatay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hoos u dhigtay xiriirka ay la leedahay Abu Dhabi.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka AFP ku sheegay in Imaaraadku garowsaday muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland xilli ay jireen shaki caalami ah oo la xiriiray horumarinta dekedda Berbera.
Wuxuu xusay in Imaaraadku maalgelin ku sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha xilli ay Somaliland si weyn ugu baahnayd maalgelin dibadeed, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muujinaysa kalsooni istiraateji ah.
Wasiir Khadar ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta uusan ku ekaan kaliya maalgelinta dekedda Berbera, balse uu yahay xiriir dhaqaale iyo iskaashi oo soo jirey, kaas oo jiray ka hor intii aysan shirkadda DP World bilaabin mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha.
Sida uu sheegay, labada dhinac ayaa wadaaga danaha ganacsi iyo iskaashi ku saleysan horumarinta dekedaha, kaabayaasha gaadiidka iyo adeegyada la xiriira ganacsiga gobolka.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isna wareysi uu siiyay CNN Business Arabic ku sheegay in xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta uu sii xoogeysanayo, isla markaana uu filayo in iskaashiga labada dhinac uu gaarsiisnaado heerar ka ballaaran kuwa hadda jira. Madaxweynaha ayaa xusay in Imaaraadku Somaliland u furey fursado diblomaasiyadeed iyo kuwo maalgashi, oo ay ka mid yihiin martiqaadyada rasmiga ah ee lagu casuumay Shirarka Dowladaha Adduunka ee ka dhaca magaalada Dubai.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka Carabta, isla markaana ay diiday xiriir kasta oo ay Somaliland la yeelato Abu Dhabi.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku baaqday in la burburiyo heshiiska u dhexeeya DP World iyo Somaliland, iyadoo ku andacootay in heshiiskaasi ka hor imaanayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa si cad u diiday baaqaasi, iyadoo ku adkeysatay in heshiisyada la galay Imaaraadka ay yihiin kuwo u daneynaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta ganacsiga gobolka.


















