Wararka24: Warbixinno sirdoon oo uu Mareykanku soo saaray ayaa muujinaya in Iiraan ay weli haysato awood gantaallo oo muhiim ah, inkastoo duqeymo xooggan ay ka geysteen Mareykanka iyo Israel.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Iiraan ay si degdeg ah dib u hawlgeliso xarumaha gantaallada ee la duqeeyo, iyagoo dib u qoda goobaha dhulka hoostiisa ah saacado gudahood kadib weerarrada.
Saraakiil Mareykan ah ayaa tilmaamay in Iiraan ay wali haysato tiro badan oo gantaallo ballistic ah iyo gaadiidkooda, taas oo u oggolaanaysa inay sii waddo weerarrada.
Dhanka kale, Pentagon-ka iyo Aqalka Cad ayaa sheegay inay horumar weyn ka gaareen dagaalka, iyagoo xusay in kumannaan bartilmaameed la garaacay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Si kastaba, hay’adaha sirdoonka ayaa shaki geliyay in si buuxda loo wiiqay awoodda gantaallada Iiraan, iyagoo xusay in ay weli awood u leedahay inay weerarto dalalka gobolka.
Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sidoo kale sheegay in heerka gantaallada ay Iiraan riddo uu hoos u dhacay, balse aysan wali dhammaanin awooddaas.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Iiraan ay si xeeladeysan u kaydsato gantaalladeeda, iyadoo ku qarisa godad dhulka hoostiisa ah si ay uga badbaadiyaan duqeymaha.
Xaaladdan ayaa muujinaysa in dagaalka uu weli yahay mid furan, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan inay xakameeyaan awoodda milatari ee midba midka kale.


















