• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Shiinaha ayaa uga digay Mareykanka khaladaad laga sameeyo arrinta Taiwan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Shiinaha ayaa uga digay Mareykanka khaladaad laga sameeyo arrinta Taiwan
Share

Wararka24: Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa uga digay dhiggiisa Mareykanka, Donald Trump in faragelin lagu sameeyo arrinta Taiwan uu horseedi karo isku dhac halis ah oo dhex mara labada quwadood ee waaweyn.

Xi Jinping ayaa hadalkan ka sheegay shir madaxeed ka dhacay magaalada Beijing, halkaas oo labada hoggaamiye ay ku yeesheen wada-hadallo socday in ka badan laba saacadood, iyadoo diiradda lagu saaray xiriirka siyaasadeed, dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay in Taiwan ay tahay qodobka ugu xasaasisan ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in haddii si khaldan loo maareeyo arrintaasi ay labada dal geli karaan xaalad khatar ah.

“Haddii si qaldan loo maareeyo arrinta Taiwan, labada dal waxay geli karaan isku dhac ama xitaa dagaal,” ayuu yiri Xi Jinping, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Shiinaha.

Dhankiisa, Donald Trump ayaa Xi Jinping ku tilmaamay “hoggaamiye weyn” iyo “saaxiib”, isaga oo muujiyay rabitaanka Mareykanka ee xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan xiisadda Iran iyo marin biyoodka Hormuz, iyagoo isku raacay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo socodka xorta ah ee tamarta caalamka.

Wararka kasoo baxaya wada-hadallada Beijing ayaa muujinaya in Shiinuhu diyaar u yahay wada-shaqeyn dhinacyo badan leh, balse uusan wax tanaasul ah ka sameyn doonin arrinta Taiwan oo Beijing ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

Dhanka kale, Taiwan ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto wada-hadallada u dhexeeya Washington iyo Beijing, iyadoo mas’uuliyiinta Taipei ay sheegeen inaysan jirin wax isbeddel weyn ah oo kasoo baxay kulanka labada madaxweyne.

Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa muddooyinkii dambe wajahaya xiisado la xiriira Taiwan, ganacsiga, teknoolojiyadda iyo saameynta gobolka Asia-Pacific, iyadoo labada dal ay isku dayayaan inay ka fogaadaan isku dhac toos ah oo militari.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.