Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Sawiro: Laba nin oo Yuhuud ah oo lagu weeraray magaalada London

Laba nin oo ka tirsan bulshada Yuhuudda ayaa lagu dhaawacay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay deegaanka Golders Green ee waqooyiga London, iyadoo booliska magaalada ay si rasmi ah ugu tilmaameen dhacdadaas weerar argagixiso. Weerarka ayaa yimid…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 30, 2026, 11:33 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Sawiro: Laba nin oo Yuhuud ah oo lagu weeraray magaalada London
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Laba nin oo ka tirsan bulshada Yuhuudda ayaa lagu dhaawacay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay deegaanka Golders Green ee waqooyiga London, iyadoo booliska magaalada ay si rasmi ah ugu tilmaameen dhacdadaas weerar argagixiso. Weerarka ayaa yimid xilli walaac amni uu ka jiray xaafadaha ay deggen yihiin bulshada Yuhuudda.

Booliska Metropolitan Police ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin 45 jir ah oo lagu tuhunsan yahay falkaasi, kadib markii uu sidoo kale isku dayay inuu weeraro saraakiil amni oo goobta tegay. Labada qof ee dhaawacmay oo da’doodu kala tahay 76 iyo 34 jir ayaa la geeyay isbitaalka, iyadoo xaaladdooda lagu sheegay mid deggan.

Taliyaha booliska London Mark Rowley ayaa sheegay in eedeysanaha uu leeyahay taariikh hore oo la xiriirta falal rabshado wata iyo xaalado dhanka caafimaadka maskaxda ah, balse baaritaannadu ay weli socdaan si loo ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarka.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, Boqor Charles III iyo Duqa London Sadiq Khan ayaa si adag u cambaareeyay dhacdada, iyagoo sheegay in weerar kasta oo lagu bartilmaameedsado bulsho gaar ah uu khatar ku yahay wadajirka bulshada Britain.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli weeraro kale oo ka dhan ah xarumaha Yuhuudda ay dhowaan ka dhaceen London, taasoo sare u qaaday cabsi amni iyo baaqyo lagu xoojinayo ilaalinta goobaha bulshadaasi ku badan tahay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

21 hours ago
Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

22 hours ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

23 hours ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

2 days ago
Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

2 days ago
Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

2 days ago
Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

2 days ago
Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.