Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Saraakiil sar sare oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 5:48 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Saraakiil sar sare oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana lagu soo warramayaa in lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Saraakiisha la xaqiijiyay geeridooda waxaa kamid ah ku-simaha taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan, iyo taliyihii guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, Cali Caddow.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu sababay khasaare kale oo soo gaaray ciidamada dowladda, islamarkaana gaadiid ciidan lagu gubay inta uu socday iska horimaadka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa qoraallo tacsi ah u diray ehellada iyo ciidamada ay ka geeriyoodeen labada sarkaal, iyadoo weli ay socdaan howlgalada ay ciidamada ka wadaan goobihii lagu dagaallamay.

Xaaladda deegaanka lagu dagaallamay ayaa weli kacsan, waxaana la sheegay in dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo bannaanka Baydhabo, halkaas oo ay gaareen ciidamo gurmad ah.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin faahfaahinta dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, marka laga reebo tacsiyada loo diray saraakiisha la dilay.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday xilli maanta guddiga doorashooyinka Soomaaliya uu shaaciyay natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

17 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

17 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.