• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Saraakiil sar sare oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Saraakiil sar sare oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo
Share

Wararka24: Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana lagu soo warramayaa in lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Saraakiisha la xaqiijiyay geeridooda waxaa kamid ah ku-simaha taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan, iyo taliyihii guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, Cali Caddow.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu sababay khasaare kale oo soo gaaray ciidamada dowladda, islamarkaana gaadiid ciidan lagu gubay inta uu socday iska horimaadka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa qoraallo tacsi ah u diray ehellada iyo ciidamada ay ka geeriyoodeen labada sarkaal, iyadoo weli ay socdaan howlgalada ay ciidamada ka wadaan goobihii lagu dagaallamay.

Xaaladda deegaanka lagu dagaallamay ayaa weli kacsan, waxaana la sheegay in dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayo bannaanka Baydhabo, halkaas oo ay gaareen ciidamo gurmad ah.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin faahfaahinta dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, marka laga reebo tacsiyada loo diray saraakiisha la dilay.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday xilli maanta guddiga doorashooyinka Soomaaliya uu shaaciyay natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.