Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sacuudiga oo soo jeediyay heshiis taariikhi ah oo lala galo Iiraan

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay qorshe diblomaasiyadeed oo lagu doonayo heshiis dhexmara Iran iyo dalalka Bariga Dhexe, xilli gobolka uu wajahayo xiisado militari iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 15, 2026, 11:56 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Sacuudiga oo soo jeediyay heshiis taariikhi ah oo lala galo Iiraan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay qorshe diblomaasiyadeed oo lagu doonayo heshiis dhexmara Iran iyo dalalka Bariga Dhexe, xilli gobolka uu wajahayo xiisado militari iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Warbixin uu daabacay wargeyska Financial Times ayaa lagu sheegay in qorshahan uu ku saleysan yahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Helsinki sanadkii 1975, kaas oo xilligii Dagaalkii Qaboobaa lagu dejiyay xiisadihii Yurub.

Sacuudi Carabiya ayaa doonaysa in heshiiskan cusub lagu xoojiyo amniga gobolka, la yareeyo isku dhacyada militari, isla markaana la abuuro iskaashi ku saabsan dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dalal badan oo Carbeed iyo Midowga Yurub ay taageero u muujiyeen qorshahan, halka aan weli la ogeyn mowqifka ay ka qaadan doonaan Mareykanka iyo Israa’iil.

Dhanka kale,Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inuu qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Iiraan, isagoo sii xoojiyay xiriirka kala dhexeeya Israa’iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka gobolka.

Qorshahan cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado waaweyn oo la xiriira arrimaha amniga iyo gacan ku haynta marin biyoodka Hormuz, halkaas oo Iiraan ay doonayso saameyn weyn oo istaraatiiji ah.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in dalalka Khaliijka ay hore uga walaacsanaayeen in dagaal toos ah oo lala galo Iiraan uu gobolka gelin karo xaalad adag oo aan sahlaneyn in laga soo kabto.

Sidoo kale, warar hore ayaa sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay weeraro qarsoodi ah ku qaadeen gudaha Iiraan intii uu socday dagaalka gobolka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin dhammaan faahfaahinta hawlgalladaas.

Xiisadda gobolka ayaa sii xoogeysatay kadib markii ay Iiraan gantaallo iyo diyaarado drones ah ku weerartay qaar kamid ah dalalka Gacanka, halka Mareykanka uu cadaadis ku saaray xulafadiisa Carabta inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Tehran.

Si kastaba, dadaallada cusub ee Sacuudiga ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaha gobolka, inkastoo ay weli taagan yihiin caqabado siyaasadeed iyo kuwo militari oo adag.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

17 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

17 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.