Wararka24: 6-02-2026 Booliska dalka Finland ayaa sheegay inay maxkamad ka codsan doonaan in xabsiga lagu sii hayo nin 71 jir ah oo looga shakisan yahay inuu si ula kac ah dab ugu qabadsiiyay dhisme dabaqyo ah oo ku yaalla magaalada Vantaa, dabkaas oo sababay dhimashada shan qof oo ka tirsan qoys Soomaaliyeed.
Dabka ayaa ka kacay subaxnimadii hore ee Talaadada xaafadda Pähkinärinne ee magaalada Vantaa, oo ku taalla waqooyiga caasimadda Helsinki. Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa helay wicitaanka dabka abaaro 5:41 aroornimo, iyadoo la sheegay in dabku si degdeg ah ugu fiday dhismaha.
Shanta qof ee ku dhintay dabka ayaa kala ah hooyo iyo aabbe da’doodu u dhaxeyso 30 ilaa 40 sano iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo da’doodu kala ahayd saddex, lix iyo siddeed jir. Boolisku waxay sheegeen in qoyskaasi ay u geeriyoodeen neefqabatin ka dhalatay qiiqa dabka.
wiir yar oo dhowaan dhashay oo isla qoyska ka tirsan ayaa ka badbaaday musiibada, waxaana loo qaaday isbitaal iyadoo xaaladdiisa caafimaad lagu sheegay mid aad u liidata.
Booliska ayaa sheegay in ninka lagu tuhunsan yahay falkan uu iskiis ugu soo baxay ciidamada ammaanka oo goobta joogay, waxaana la filayaa in Jimcaha la horgeeyo maxkamadda degmada si loo go’aamiyo in xabsiga lagu sii hayo inta baaritaanka socdo.
Sida ay sheegtay madaxa baarayaasha kiiska, Sanna Rentola, kiiskan waxaa loo baarayaa shan dacwadood oo dil ah, laba isku day dil iyo fal dab-qabadsiin ula kac ah. Baaritaannada hordhaca ah ayaa muujinaya in dabku ka bilowday guriga ninka eedeysanaha ah ee ku yaalla dabaqa labaad ee dhismaha.
Mas’uuliyiinta Finland ayaa sheegay in illaa hadda aan la helin caddeyn muujineysa in falka uu ku saleysnaa nacayb loo qabo dadka soo galootiga ah.
Dhacdadan ayaa si weyn u taabatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland, gaar ahaan magaalada Vantaa oo ah mid ka mid ah magaalooyinka ay ku badan yihiin dadka kasoo jeeda dalal kale.
Maamulka deegaanka ayaa sheegay in hoy ku-meel-gaar ah iyo taageero dhanka nafsiga ah loo diyaariyay dadka ku barakacay dabka, iyadoo sidoo kale la qabtay kulamo baroor-diiq ah oo loogu duceynayo dadkii ku dhintay mu


















