Wararka24: Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay ku dhawaaqaan qorshe cusub oo la xiriira hanaanka doorashooyinka dalka, xilli khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysanayo. Kulanka maanta ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xasaasi ah oo lagu go’aaminayo jihada siyaasadeed ee dalka.
Mucaaradka ayaa qorsheynaya inay soo bandhigaan nooc doorasho oo ay u arkaan mid suurtagal ah in lagu galo marxaladda soo socota, iyagoo ku doodaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda uu galay heer gabagabo ah. Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay mid ay taageerayaan qaar kamid ah maamullada dalka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maamullada Jubbaland iyo Puntland ay qayb ka yihiin hindisahan cusub, kaas oo lagu doonayo in dalka looga gudbo xaaladda kala guurka ah loona dhiso hannaan siyaasadeed oo cusub.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale lagu wadaa inay soo saaraan bayaan rasmi ah oo ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo khilaafka ka taagan nooca doorasho ee dalka loo wajahayo.
Maalmihii la soo dhaafay, mucaaradka waxay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhalinyarada, si ay ula wadaagaan aragtidooda siyaasadeed.
Dhanka kale, Villa Somalia ayaa weli ku adkeysanaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taas oo dowladda Federaalka ay ku tilmaantay waddada saxda ah ee dalka loogu gudbi karo nidaam dimuqraadi ah.
Khilaafka ku saabsan doorashooyinka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo sidoo kale ay jiraan caqabado bani’aadannimo oo ka dhashay abaaraha iyo amniga.
Waxaa la sugayaa natiijada kulanka maanta iyo sida ay u saameyn karto mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo indhaha siyaasadda gudaha ay ku wajahan yihiin go’aanka mucaaradka.


















