• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay xariga Zamzam Cumar Cali

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay xariga Zamzam Cumar Cali
Share

Muqdisho – (Wararka24):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa Isniin, 20-ka Oktoobar 2025, si adag u cambaareeyay xarigga Zamzam Cumar Cali, oo habeenimadii Axadda lagu xiray magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo madax-bannaan.

Zamzam Cumar Cali, oo la sheegay in ay kamid ahayd dadka dhawaan laga barakiciyay xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda, ayaa xalay lagu xiray gurigeeda, iyadoo ay fulisay ciidamada amniga dowladda Federaalka Soomaaliya. Ilo goob-joog ah ayaa sheegay in haweeneydan ay maalmahan eedeymo culus u jeedinaysay dowladda, kadib markii ay kasoo muuqatay kulamo ay soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan mucaaradka.

Xariga Zamzam Cumar ayaa abuuray caro iyo cambaareyn ka timid siyaasiyiin iyo xubno mucaarad ah, kuwaas oo qoraallo kala duwan ku dhaliilay tallaabada ay qaaday dowladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay xariga mid sharci-darro ah, isagoo sheegay in uu ka tarjumayo sida ay dowladdu ugu xadgudbayso xorriyadda dadka shacabka ah. “Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga iyo tacaddiyada sii kordhaya ee ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdada gurigeeda loogala baxay Zamzam Cumar Cali, taas oo muujinaysa sida madaxda dowladda ay ugu tumanayaan sharciga iyo nidaamka dowliga ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ku daray in dhacdadan foosha xun ay ku soo beegmayso iyadoo ciidamada booliska ay sii wadaan barakicinta dadka danyarta ah ee ku nool caasimadda, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub bani’aadannimo.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa isna qoraal uu soo saaray ku dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Zamzam Cumar Cali, isagoo ku tilmaamay hooyo danyar oo duruufo adag ku korinaysa carruur agoon ah.

“Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo hooyo Zamzam Cumar Cali, lana joojiyo xarigga haweenka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka danta guud, kuwaas oo curyaaminaya horumarka dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Xaaladda ayaa haatan xiisad siyaasadeed abuurtay, iyadoo mucaaradka ay ku eedeeyeen dowladda in ay adeegsanayso awood ciidan si ay u caburiso dadka dhaliila siyaasaddeeda.


Share
Tags: somaliawararka mantawararka somalia
Previous Post

Madaxweyne Firdhiye oo ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub ee Waqooyi Bari

Next Post

Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

Ciidamada Macawiisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-Shabaab deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Ciidamada Macawiisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-Shabaab deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Xildhibaannada Soomaalida Itoobiya oo ka aamusay su’aalihii Ra’iisul Wasaaraha abiy axmed

Xildhibaannada Soomaalida Itoobiya oo ka aamusay su’aalihii Ra’iisul Wasaaraha abiy axmed

Recommended

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

4 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

12 months ago
Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

4 months ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

9 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

8 months ago
ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

11 months ago
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.