• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Minnesota: Xildhibaan Mareykanka ah oo la Dilay, Halka senator kalena lagu dhawacay.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Minnesota
Share

Minnesota

MINNESOTA — Nin soo xirtay dharka booliis ayaa saaka hore dilay xildhibaan ka tirsan golaha Minnesota iyo ninkeeda, halka uu ku dhaawacay senator kale iyo xaaskiisa.

Melissa Hortman iyo ninkeeda Mark ayaa lagu dilay gurigooda ku yaalla Brooklyn Park saacadii 4:30 subaxnimo. Hortman waxay ahayd hoggaamiyihii hore ee Golaha Wakiillada Minnesota.

Senator John Hoffman iyo xaaskiisa Yvette ayaa lagu toogtay gurigooda Champlin saacado ka hor. Iyaga oo dhaawac xun ah ayaa la geeyay isbitaalka Mercy.

Ninka weerarka geystay ayaa xirnaa dhar booliis oo been abuur ah. Markii booliiska dhabta ahi ay yimaadeen guriga Hortman, ayuu rasaas furay dabadeedna baxsaday.

Vance Boelter oo da’diisu tahay 57 sano ayaa ah ninka dilka geystay oona la raadinayo. Waa nin cad ah, Ilaa hadda ma la qaban.

Booliiska ayaa gaadhiga Boelter ka helay warqad ku qoran magacyada xildhibaano kale. Arrintani waxay muujinaysaa in weerarku uu ahaa mid la qorsheeyay.

Kumanaan booliis ah ayaa baaritaan ku samaynaya Brooklyn Park. FBI ayaa ka qayb qaadanaysa howlgalka. Dadka deegaanka ayaa la faray inaysan guryahooda ka bixin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay: “in dhacdadaan naxdinta leh aan la aqbali doonin in ay ka dhacdo dalka Mareykanka.” Wasiirka Cadaaladda Pam Bondi ayaa ballan qaaday in dembilaha maxkamad la soo taagi doono.

Tim Walz oo ah guddoomiyaha Minnesota ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid siyaasadeed. “Khilaafka siyaasadeed laguma xalliyo rasaas,” ayuu yiri.

Dadka ayaa laga digay inay ka qayb galaan bannaanbaxyo maanta la qorsheeyay Minnesota. Sababtu waxay tahay khatarta jirta dhacday awgeed,

Waxa la qorsheynayey in ay Minnesota ka dhacdo manta banaan-bax looga soo horjeeda talada madaxweyne Donald Trump, banaanbaxa ayaa looga magacdaray, NO KING, oo Macnaheedu tahay Mayeeleyno Boqor,

Talada madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa dad badan u arkan mid kaligis talis-nimo madama uu dhowr jeer ka horyimid goaano ay soo saartay, maxkamada sare ee dalkaas.


Share

Recommended

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

2 months ago
IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

5 months ago
Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

6 months ago
Hirshabelle

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

2 years ago
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

2 years ago
NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

4 months ago
Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.