• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

MD xasan oo xilka ka qaaday xuseen macalim kadib fadeexadi markabka sea world.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
Md xasan
Share

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaqada ka tiray Lataliyihiisa Amniga Qaranka Xuseen Macallin, isagoo xilkaasi si ku-meel-gaar ah ugu wareejiyey Danjire Aweys Shiikh Yuusuf, sida ay warar hoose sheegayaan.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii markab lagu magacaabo Sea World, oo la sheegay inuu hub ka keenay dalalka Azerbaijan, Turkiga, iyo Masar, uu gacanta u galay ciidamada badda Puntland xilli uu ku sugnaa xeebta Bareeda ee gobolka Raas Caseyr.

Markabkan, oo aan lahayn wax cilad ah, ayaa la sheegay inuu laba maalmood taagnaa aagga xeebtaas kahor inta aan la qaban, waxaana hadda lagu hayaa Dekedda Boosaaso, halkaas oo ay ka socdaan baaritaanno ku saabsan hubka saaran iyo halka uu ku socday.

Wararka ayaa sheegaya in Xuseen Macallin uu lahaa masuuliyadda markabkan, iyadoo illaa hadda aan si rasmi ah loo caddeyn cidda dalbatay ama leh hubka. Waxaana hada ka socda puntland baaritaan ku saabsan tirada hubka iyo meesha uu kusocday, iyo cida dalbatay.

Xogta aan la xaqiijin ayaa tilmaamaysa in arrintan ay sababtay in Madaxweyne Xasan Sheekh go’aansado in xilka laga qaado Xuseen Macallin oo loo arko inuu si toos ah ama dadban ugu lug lahaa arinta hubka.

Aweys Shiikh Yuusuf ayaa hadda si ku-meel-gaar ah loogu dhiibay la-taliyaha cusub ee madaxweynaha arimaha Amniga Qaranka.


Share

Recommended

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

2 months ago
IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

4 months ago
Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

6 months ago
Hirshabelle

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

2 years ago
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

2 years ago
NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

4 months ago
Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.