Wararka24: Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Koonfur Galbeed kadib isbeddelkii ka dhacay Baydhabo.
Mursal ayaa eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay burburisay maamulkii sharciga ahaa ee Koonfur Galbeed.
Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay dhaawaceyso nidaamka federaalka iyo dowladnimada dalka, isla markaana ay abuurayso hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni.
Mursal ayaa sidoo kale tilmaamay in awoodihii dowlad-goboleedka si toos ah loogu wareejiyay dowladda dhexe, taas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa dastuurka.
Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in magacaabista maamullada cusub aanay lahayn saldhig sharci, isla markaana ay meesha ka saarayaan mabda’a is maamul ee dowlad-goboleedyada.
Wuxuu intaas ku daray in adeegsiga ciidamada dowladda ee arrimaha Koonfur Galbeed uu sababay amni darro iyo barakac saameeyay shacabka.
Sidoo kale, wuxuu ka digay in tallaabooyinka noocan ah ay halis gelin karaan xasilloonida guud ee dalka iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah.
Hadalkan Mursal ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay isbeddelada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo doorka dowladda dhexe.

















