• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Markale ciidamo isku horfadhiyo Mirinaayo kadib howlgalka hub ururinta+muuqal

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Markale ciidamo isku horfadhiyo Mirinaayo kadib howlgalka hub ururinta+muuqal
Share

Wararka24: Xaalada degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, gaar ahaan deegaanka Mirinaayo ayaa weli kacsan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo kala duwan kadib dhacdooyinkii amni ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degmadaas.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xiisaddu ay u dhexeyso ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ah Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. Dhaqdhaqaaqyada ciidanka ayaa la sheegay inay sare u kaceen kadib muran la xiriira baaritaanno ay ciidamada ammaanku ka wadaan deegaanka.

Ilo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo lagu baarayo guryo ku yaalla aaggaasi laguna arurinayo hubka sharci darada ah. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ilaalada u ah Odowaa ay diideen in la baaro gurigiisa, taas oo keentay khilaafka labada, cidamada aya laguso waramaya inay is horfadhiyaan.

Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in howlgalka socda uu yahay mid lagu ururinayo hub sharci darro ah. Booliska ayaa sheegay in hubkaasi lala xiriirinayo kooxo ku lug lahaa iska horimaadyo dhowaan ka dhacay degmada Cabdicasiis.

Qoraalka taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha ammaanku ay tallaabooyin sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo hub sharci darro ah ama lagu tuhmo inay ku lug leedahay kaydintiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa. Dadweynaha ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo xoojiyo nabadgelyada.

Dhanka kale, xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa weli saamayn ku leh dadka deegaanka, iyadoo qaar ka mid ah qoysaskii ka barakacay goobaha ay xiisaddu ka jirto aysan weli dib ugu laaban guryahooda. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo deganaanshaha iyo amniga deegaanka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.