Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa nin Soomaali ah oo magangelyo doon ah u wareejisay xabsiga Guantánamo Bay ee dalka Cuba, kaddib markii lagu xiray gobolka Minnesota, iyadoo warbixin ay baahisay Minnesota Public Radio (MPR) ay sheegtay inuusan lahayn dambi hore oo culus.
Ninka oo lagu magacaabo Adam Abdullah, 31 jir ah, ayaa sheegay in muddo ku dhow laba toddobaad lagu hayay Camp 6 ee Guantánamo Bay. Adam ayaa Mareykanka yimid sanadkii 2023 isagoo magangelyo doon ah, waxaana loo oggolaaday inuu shaqeeyo, isaga oo helay oggolaanshaha shaqada iyo lambarka Social Security-ga.
Sida ay MPR sheegtay, Adam wuxuu ka shaqeynayay farsamada baabuurta ee Minnesota, wuxuuna si joogto ah uga qeyb geli jiray ballamaha iyo hubinta ay hay’adda socdaalka Mareykanka ee ICE ku sameyso dadka kiiskooda socdaalka uu weli socdo.
Adam ayaa sheegay in ciidamada federaalka ay gaarigiisa ku joojiyeen magaalada St. Paul 12-kii December 2025, xilli uu socday howlgalka socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump ugu magac daray “Operation Metro Surge”. Wuxuu sheegay in aan loo sheegin sababta gaarka ah ee isaga loo bartilmaameedsaday.
MPR ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay diiwaannada maxkamadaha Minnesota uusan muujin wax dambi ah oo Adam lagu helay, marka laga reebo laba ganaax oo la xiriiray baarkin oo la siiyay horraantii 2025.
Kadib xarigiisa, Adam waxaa loo kala wareejiyay xarumo kala duwan oo lagu hayo dadka ay qabato ICE, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Freeborn County Jail ee Albert Lea, Minnesota, xarun ku taalla Covington, Kentucky, iyo xarun kale oo ku taal Louisiana.
Adam ayaa sheegay in saraakiisha socdaalka ay markii dambe u sheegeen in Soomaaliya loo masaafurinayo, iyadoo safarkiisa loo sii marinaya Miami. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in halkii Soomaaliya loo qaadi lahaa, diyaaraddii lagu geeyay Cuba, isaga oo ugu dambeyn la geeyay Guantánamo Bay.
Wuxuu sheegay in intii safarka lagu jiray gacmaha iyo lugaha looga xiray silsilado, halka xaaladda xarunta Guantánamo ay ku adkayd xiriirka uu la sameyn karo qareenkiisa. Qareenkiisa, Marc Prokosch, ayaa sheegay in wicitaannadu ay mararka qaar ku koobnaayeen shan ilaa 10 daqiiqo.
Adam wuxuu sidoo kale sheegay in Guantánamo lagu hayo Soomaali kale, inkastoo tirada saxda ah iyo xaaladdooda sharci aan si madax-bannaan loo xaqiijin. Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) kama aysan jawaabin dhammaan su’aalihii MPR ee ku saabsanaa sababta gaarka ah ee Adam loogu wareejiyay xarunta.
Adeegsiga Guantánamo ee lagu hayo dadka loo qorsheeyay in laga masaafuriyo Mareykanka ayaa dhaliyay dood iyo walaac ka dhex jira ururrada xuquuqda aadanaha. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xarunta loo adeegsanayo dadka ay u aragto inay yihiin ajaanib si sharci-darro ah dalka ku jooga oo mudnaan gaar ah leh, halka kooxaha xuquuqda madaniga ah ay su’aal ka keeneen sharciyadda tallaabadaas.







