Wararka24: Soomaaliya ayaa Kenya ka dalbatay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyadoo si gaar ah loo xoojinayo ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.
Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaranka Soomaaliya ee La-dagaallanka Argagixisada iyo Ka-hortagga Xagjirnimada Rabshadaha Wata (TUBSAN), Cali Yaasiin Gurbe, ayaa soo jeediyay in iskaashiga labada dal lagu daro hannaan digniin hore oo ay qayb ka yihiin bulshada ku nool deegaannada xuduudaha.

Gurbe oo ka hadlayay shirkii shanaad ee Nairobi Caucus ayaa sheegay in dadka ku nool xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya ay door muhiim ah ka qaadan karaan ogaanshaha dhaqdhaqaaqyada looga shakiyo kooxaha hubeysan iyo wargelinta hay’adaha amniga.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay adeegsato xuduudaha labada dal si ay uga gudubto labada dhinac, u qorto xubno cusub una dhisto shabakado taageero. Sidaas darteed, ayuu tilmaamay, in jawaabta amni aysan ku koobnaan karin oo keliya howlgallada milatari iyo xog-is-weydaarsiga hay’adaha amniga.
Gurbe ayaa sidoo kale soo jeediyay in shirarka mustaqbalka lagu qabto deegaannada xuduudaha, halkii ay inta badan ku koobnaan lahaayeen caasimadaha Muqdisho iyo Nairobi. Sida uu sheegay, tallaabadan waxay hay’adaha dowladda siin kartaa fursad ay si toos ah ugu fahmaan caqabadaha amni ee ay wajahaan dadka ku nool xuduudaha.
Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay horey u wadday barnaamijyo ku saleysan wacyigelinta bulshada iyo digniinta hore, iyadoo dooneysa in khibradahaas lala wadaago Kenya si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.
Dhanka Kenya, Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada (NCTC), Kibiego Kigen, ayaa sheegay in iskaashiga ka dhanka ah argagixisada uu sii ballaaranayo, isla markaana amniga mustaqbalka loo baahan yahay in lagu saleeyo wada shaqeyn dhex marta dowladda, bulshada rayidka ah iyo ururrada diimaha.

Shirka Nairobi Caucus ayaa socday muddo laba maalmood ah, waxaana ka qaybgalay ku dhowaad 200 qof oo ka kala socday 24 dal, iyo sidoo kale hay’ado Qaramada Midoobay, ururro goboleed iyo saaxiibbo caalami ah.







